Home Wararka Somaliya Puntland Deni oo ka horyimid bayaankii ka soo baxay isimada dhaqanka Puntland

Deni oo ka horyimid bayaankii ka soo baxay isimada dhaqanka Puntland

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa ka horyimid bayaankii ka soo baxay isimada dhaqanka Puntland ee lagu go’aamiyay in doorashada lagu galo 49 xildhibaan.

Madaxweyne Deni oo kulan deg deg ah la yeeshay guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland ayaa ku amray in aysan dheg jalaq u siin go’aanka isimada oo uu ku tilmaamay mid dastuurka baal-marsan.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Siciid Deni uu guddiga u sheegay in aysan jirin wax isbeddel ah oo lagu samayn doono shakhsiyaadka wata magaca reer SSC-Khaatumo ee uu suuqa ka qortay, si uu doorashada ugu galo.

Guud ahaan liiska 66-da xubnood oo ay ku jiraan shakhdiyaadka reer SSC ee suuqa laga qortay ayaa dhammaystirmay shalay, waxaana lagu wadaa in si rasmi ah loo shaaciyo maanta, iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin xiisadda ka taagan arrintaasi.

Dhinaca kale, guddiga xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta baarlamanka ayaa dhexdooda ku muransan fulinta amarkii uu siiyay Madaxweyne Siciid Deni ee ahaa in aysan dheg jalaq u siin go’aankii isimada dhaqanka.

Guddiga oo dood ka yeeshay sida laga yeelayo awaamiirta Siciid Deni ayaa aad u kala qaybsan, waxaana laga filan karaa in ay laba garab u kala jabaan haddii khilaafkoodu sii socdo.

Ad
Previous articleXamse Cabdi Bare “Xalay waxaan wacay taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir, waxaan ari mala qabtay ninkii dilay Sheekh Ibraahim Deyfullaah?
Next articleKim Jong Un oo ku amray milatariga dalkiisa in ay u diyaar garoobaan dagaal Nukliyeer ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here