Home Wararka Caalamka Xamaas Oo Sheegtay Inay Aqbashay Heshiis Xabad Joojin Ah

Xamaas Oo Sheegtay Inay Aqbashay Heshiis Xabad Joojin Ah

0

Hoggaanka Xamaas ayaa sheegay in ay aqbaleen qodobada heshiiska xabadjoojinta ee Gaza. Waxayna sheegeen in hadda arinta hortaalo Isreal.

Qoraal ka soo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay in ay u sheegeen dhexdhexaadiya-yaasha Qatar iyo Masar go’aankooda.

“Mujaahid Ismaaciil Haniyeh oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee ururka Xamaas ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray Ra’iisul wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani iyo wasiirka sirdoonka Masar Cabbaas Kamel, wuxuuna uga warbixiyay ururka Xamaas. dhaqdhaqaaqa oggolaanshaha soo jeedintooda ku saabsan heshiiska xabbad joojinta.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xamaas.

Heshiiskan ayaa waxaa soo baxay inta badan madaxda caalamka,hase yeeshee majiro wax war ah oo ka soo baxay Israa’iil ee ku saabsan heshiiska ay aqbashay Xamaas.

Faahfaahinta heshiiska weli laguma dhawaaqin oo ay ku jiraan inta ay xabad joojinta soconeyso iyo waxa ay ku dambeynayaan la haystayaasha.

Ugu yaraan 34,735 qof ayaa lagu dilay 78,108 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.
Tirada dhimashada ee Israa’iliyiinta weerarkii 7dii Oktobar ayaa waxa ay gaarayaan 1,13 ruux iyadoo tiro kalana weli ay ku jiraan gacanta ururka Xamaas.

Ad
Previous articleMalaaq Muniir Yusuf oo La Dilay iyo Kacdoon Ka Dhashay Dilkiisa oo Qarka Udaaran inuu Dagaal Qarxo
Next articleSoomaaliya Iyo Kenya Oo Heshiis Ganacsi,Waxbarasho Iyo Amni Kala Saxiixday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here