Home Wararka Caalamka Xamaas oo Ka hadashay Geerida Madaxweynihii Iiraan oo Garabkooda Taagnaa

Xamaas oo Ka hadashay Geerida Madaxweynihii Iiraan oo Garabkooda Taagnaa

0

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa soo saaray bayaan ay kaga tacsiyeynayaan geerida ku timid madaxweynahii Iran iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda.

Kooxdan falastiiniyiinta ah oo ay Iran taageerto, haatanna dagaal kula jirta Israa’iil, ayaa qoraalkooda ku yiri, “Waxaan ku muujinaynaa dareenkayaga guud dhacada murugada leh iyadoo aan la wadaageynno ummadda aan walaalaha nahay ee Iran taci, isla markaana aan si buuxda u garab taaganahay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Warka ka soo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay in dhacdadaan ay tahay mid xanuun badan oo ay ku dhinteen madax qiimo badan.

Xamaas waxaa argagixiso u aqoonsan dalal badan oo ay ku jiraan Maraykanka iyo Ingiriiska.

Ad
Previous articleWasiirka Amniga Soomaaliya oo Xariga Ka Jaray Saldhig laga dhisay Dhuusamreeb(Sawiro)
Next articleIsraa’iil oo ka hadashay shilka diyaaradeed ee uu ku geeriyooday madaxweynihii Iran