Home Wararka Maanta Xaliimo Yareey oo Sheegtay Qodabka Ka Qaldan Gudiga Doorashooyinka ee Heer...

Xaliimo Yareey oo Sheegtay Qodabka Ka Qaldan Gudiga Doorashooyinka ee Heer Federaal

0

Hoos ka aqriso qoraalka Xaliimo Yarey oo ay soo dhigtay barteeda Facebook.

FEIT iyo SEIT waajibaadkoodu waa kala cad yihiin oo marnaba iskuma qaldami karaan.

Wajibaadka FEIT waxaa ka mid ah in ay shaaciyaan natiijada ugu dambeeyso iyaga oo aan waxba ka bedelin natijada ay SEIT soo gudbiyeen haddii aayan jirin hakin ka timid Guddiga Qilaafaadka.

Dacwada waxaa soo curin kara Musharaxiinta ama kuwa uu matalo musharaxa (Odayaasha) haddii ay aaminaan in la gacan bidixeeyey.

Sidoo kale FEIT waxay isku dubarideysa dukumantiga Xildhibaanka soo guulaystay, waxayna siinaysaa shahaadadii Xildhibanimada kadibna faylka Xildhibaanka oo dhamaystiran waxay u gudbinayaan Xoghayayaasha Guud ee Barlamaanka.

Markii aay arintaas saas u dhacdo waxaa howsha la wareegaya Barlamaanka oo maamulaayo dhaarintii iyo doorashadii Hogaanka Barlamaanka.

 

Jadwalka ay soo saareen FIET waxaa igala qaldan qodobka ugu danbeeya oo sheegaya in Xafladda Dhaarinta Xildhibaanada aay qabanqaabinayaan FIET oo kaashanaya Xafiiska RW.

Ad
Previous articleKhilaaf Xoogan oo Ka Dhex Curtay P.M Rooble iyo Yaasiin Farey
Next articleMaamul Goboleedkii Sadexaad oo Maantay Soo Gabgabeeyey Doorashada Golaha Shacabka(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here