Home Wararka Somaliya Puntland Maamul Goboleedkii Sadexaad oo Maantay Soo Gabgabeeyey Doorashada Golaha Shacabka(Sawiro)

Maamul Goboleedkii Sadexaad oo Maantay Soo Gabgabeeyey Doorashada Golaha Shacabka(Sawiro)

0

Guddiga doorashooyinka dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta si rasmi ah u soo gebagabeeyay doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Puntland.

Doorashada lixdii kursi ee ugu dambeysay Puntland ayaa saaka lagu qabtay Magaalada Garowe kuwaasoo loo xiray masuuliyiin iyo shaqsiyaad gaar ah oo uu watay Madaxweyne Deni, waxaana doorashada lixda kursi ay ku dhamaatay qaab gacan taag ah ka dib markii tanaasuleen malxiisyadii Musharaxiinta lagu soo qoray.

1-Kursiga Hop073 oo uu horay ugu fadhiyay Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa waxaa ku guuleystay Eng Maxamed Cabdullaahi Kayse.

2-Kursiga labaad ee Hop199 oo ay horay ugu fadhisay Xaawo Yuusuf Axmed ayaa waxaa ku guuleystay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare

3-Kursiga Saddexaad Hop198 ayaa waxaa ku guuleystay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Puntland Cismaan Cali Yuusuf.

4-Kursiga Afraad ee Hop129 ayaa waxaa ku soo baxay Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo horay ugu fadhisay.

5-Kursiga Shanaad ee Hop191 ayaa waxaa ku ku guuleystay Eng. Cabdixakiin Maxamed Jaamac.

6-Kursiga lixaad ee Hop221 waxaa ku guuleystay Cabdirisaaq Xasan Axmed.

Puntland ayaa noqoneysa Maamul gobol goboleedkii 3aad ee dhameystiray doorashada xubnaha labada aqal, waxaana horey doorashadan u soo afjaray dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur galbeed iyo gobolka Banaadir oo ahaa degaan doorasho gaar ah.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Ad
Previous articleXaliimo Yareey oo Sheegtay Qodabka Ka Qaldan Gudiga Doorashooyinka ee Heer Federaal
Next articleDowlada shiinaha oo Gaadiid Dagaal iyo Saanad Milateri Soo Gaarsiisay Dowlada Soomaaliya(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here