Home Wararka Maanta Xaggee ayuu ku dambeeyay Sayid Macallin Daa’uud oo ah ninka xaaskiisa gubay?

Xaggee ayuu ku dambeeyay Sayid Macallin Daa’uud oo ah ninka xaaskiisa gubay?

0

Markii la soo badbaadiyay hooyada la gubay ayaa waxaa xoogga la saaray sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa eedeysanaha falka geystay.

“Nasiib darro eedeeysanaha ayaa waxaa markii uu falka geystayba oo uu dabka bilaabanay ka baxsaday goobta welina gacanta laguma dhigin laakiin waxaan kuu xaqiijin karaa in hawlgallo arrintaas u gaar ah magaalada ka socdaan meel-kasta oo laga heli karo.” Ayuu yiri Doodishe.

Waxa uu sheegay in Sayid uusan ahayn qof raadkiisa, magiciisa iyo muuqaalkiisa la wayn karo. “Waa qof xitaa la yaqaano codkiisa ma ahan marka howlagallada eedeysanaha gacanta loogu dhigayo waa ay socdaan waxaa rajeynaynaa in haddii uu Alle idmo sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta ugu soo dhigno.”

Gaashaanle Doodishe ayaa sheegay in dhacdadan ay tahay mid xanuun badan oo damiirka dadka taabaneyso sababtoo ah ayuu yiri in “marwo hooyo ah, xaaskiiska ah, xaamilo ahayd dab loo isticmaalo marka wax si fudud aan u dhihi karno waxaas ayaa sabab u ah ma ahan waxaa dhigi kara dhakhaatiir ku takhasusutay cilmi nafsiga oo baari karta in waxaani ay dhimirka yihiin ama ay daroogo iyo muqaadaraad la xiriira yihiin waa wax baarista ku soo bixi doona, booliska ayaana hadda wada baaritaan la xiriira falkan.”

Waxa uu sheegay in sababta ay waxaan u dhaceen ay kala caddaan doonto marka eedeeysanaha la qabto oo baaritaan lagu sameeyo.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Al-Shabaab oo weerar dil iyo afduub ah ka geystay inta u dhaxeysa Xamar iyo Jowhar
Next articleAlshabaab oo Dagaal Culus ku Qaaday Shabeelow ee Koonfurta Gobalka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here