Home Wararka Somaliya Galmudug Alshabaab oo Dagaal Culus ku Qaaday Shabeelow ee Koonfurta Gobalka Mudug

Alshabaab oo Dagaal Culus ku Qaaday Shabeelow ee Koonfurta Gobalka Mudug

0

Alshabaab oo weerar qaraxyo ismiidaamin ah ku bilowday ku qaaday Shabeeloow, Ciidamada oo qabtay mid ka mid ah xubnihii soo weeraray iyo diyaarado duqeymo ka fuliyay halkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay ciidamada dowladda ay iska difaaceen weerar ay saaka kooxda Al-shabaab ku qaadday deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug.

Waxa ay sheegtay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo is kaashanaya ay dagaal la galeen kooxdii soo weerartay waxana ay ciidanka millitarigu sheegeen in halkaa Al-shabaab looga dilay dagaalyahanno gaaraya ilaa 21 iyo in sidoo kale laga gubay 4 gaari oo ay kusoo dagaal galeen.

Ciidanka millitariga ayaa intaa ku daray in xog lasoo gaarsiiyay ay suura gelisay in laga hortago kooxda weerarka soo qaaday.

Dowladdu ma aysan shaacin khasaare dhineceeda ah Balse Warar Madaxbanaan Ayaa Dhegaaya in Ciidamada Gor gor iyo Kuwa Darawiishta Galmudug oo Soo Gaaray Khasaaro Xaagan oo isugu Jira Dhimasho iyo Dhaawac.

Ad
Previous articleXaggee ayuu ku dambeeyay Sayid Macallin Daa’uud oo ah ninka xaaskiisa gubay?
Next articleSarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Alshabaab kanasoo jeeda Galmudug si wayna loo Raadinaayay oo Muqdisho lagu Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here