Home Wararka Maanta Xagee ku dambeeyeen shabaabkii laba sano ka hor weeraray Dawlad Deegaanka ee...

Xagee ku dambeeyeen shabaabkii laba sano ka hor weeraray Dawlad Deegaanka ee la qabqabtay?

0

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo laba sano ka hor lagu qabtay dagaal ay ku qaadeen dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa lagu xukumay xabsi u dhaxeeya labo sano ilaa iyo xabsi daa’in ah.

Xukunka xabsiga ah ayaa lagu riday 41 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu eedeeyay inay dileen 265 qof, halka dhaawacana lagu eedeeyay in ay gaarsiyeen 323 xubnood oo ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo dad kale oo shacab ahaa oo ay six un u dhawaacen, sida ay sheegtay dawladda Itoobiya.

Sida laga soo xigtay dawladda Itoobiya, xubnaha la maxkamadeeyay ee Shabaabka ah ayaa waxaa ku jira hugaamiyeyaal.

41-da qof ee lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab oo fadhigoodu yahay Soomaaliya, ayaa dawladdu sheegtay in ay weerar ku soo qaadeen degmooyinka ka tirsan dawlad deegaanka oo ay ka mid yihiin kuwa hoostaga gobolada Afdheer iyo Shabeelle, sanadkii 2022 kii

Weerarkan ayaa sida ay sheegtay dawladda Itoobiya waxaa ku dhintay 265-qof oo muwaadiniin u dhashay dalkeeda ah, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay 323-qof oo isugu jira dad aan waxba galabsan iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee gobolka iyo ciidamo deegaanka ah oo dagaalka ka qayb galay, sida ay sheegytay xeer-ilaalinta Itoobiya.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay 265-qof oo shacab ah, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay 323-qof oo isugu jira dad aan waxba galabsan iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee gobolka iyo maleeshiyaad, sida uu sheegay dacwadda xeer-ilaalinta.

Xeer ilaalinta Itoobiya ayaa waxay intaas ku dartay in ragga la maxkamadeeyay ay burburiyeen hanti qiimaheedu dhan yahay 13 milyan iyo 550 birr, kuwaasoo isugu jiray lix dugsiyo dadweyne, kaabayaasha dhaqaalaha, hanti shaqsiyeed iyo gaadiid oo ku yaallay degmooyinka uu weerarku ka dhacay.

Xeer-ilaaliyaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay in raggaan ay xadeen laba baabuur, 470 neef oo ari ah iyo 119 neef oo geel ah.

Sida lagu sheegay dacwadda raggaan ayaa sannadkii 2012-kii intooda badan billaabay ka mid noqdashada ururka Al-shabaab ee Soomaaliya, kuwaasoo xiriir la leh Al-Qaacida, dunidana looga aqoonsan yahay urur argagixiso.

Dawladdu waxay sheegtay in ay ka war heshay in ragaan loo soo diray in ay argagax galiyaan deegano ay ka mid yihiin, degmooyinka Bareey, Godigood, Kohle, Xardur iyo Hargeele oo ka tirsan Ismaamulka Soomaalida iyo sidoo kale deegaano ay kami dyihiin Cadaadleey, Mustaxiil iyo Feerfeer oo ku yaalla aagga Shebeele.

Booliska Federaalka ayaa sheegay in 41-ka qof ee liiskan lagu soo oogay aysan difaaci karin eedeymaha loo soo jeediyay iyaga oo ku dhawaaqay in lagu xukumay labo sano oo xarig ah ilaa iyo xabsi daa’in.

Eedeysanayaasha ayaa tiradooda lagu sheegay 41 Eedeysane oo ay ku jiraan Taliyihii 1-aad ee Al-shabaab, Xuseyn Axmed oo loo yaqaan (Hussein Gaab), Taliyaha 2-aad ee Al-shabaab, Ibraahim Jibriil Ibraahim, Xoosh Aadan Ibraahim, iyo Cali Bashiir.

Wasaaradda Cadaaladda, Agaasinka Guud ee Dambiyada Abaabulan iyo Xuduudaha, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Itoobiya ayaa goobta dhageysiga dacwadda keenay liiska magacyada 57 marqaati ah ah iyo 396 bog oo cadeymo dukumeenti ah oo ka dhan ah eedeysanayaasha.

Qodob ka xiga ee lagu eedeeyay ragaan ayaa noqday inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab oo lagu tilmaamay Argagixiso heer caalami ah.

Laban nin oo lagu kala magacaabo Xuseyn Gaab iyo Ibraahim Jibriil oo dawladda Itoobiya sheegtay in ay hugaaminayeen ciidanka ayaa lagu xukumay Xabsi daa’in.

Maxkamada ayaa go’aamisay in 37 eedaysane oo kale lagu xukumo xabsi u dhaxeeya 7 ilaa 12 sano.

Si kastaba ha ahaatee, maxkamaddu waxay go’aamisay in laba eedaysane oo lagu kala tilmaamay lambar 15 jir iyo 21 waxa ay ku xukuntay 2 sano oo xabsi ah, maadaama dambigooda oo uu ahaa oo keliya inay ka tirsan yihiin kooxda.

Al-Shabaab ayaa sanadkii 2022 kii waxay weerar aan kala joogsi lahayn ku ekeysay deegaano ku yaalla xadka u dhaxeeya Soomalaiya iyo Itoobiya, iyada oo arkii dambe gudaha u gahsya deegaanada Dawlad Deegaanka SOomaalida, halkaas oo marrkii dambe looga qabtay xubno badan oo kamid ah ciidankooda.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Israa’iil oo xoojisay duqeymaha ay ka waddo degmada Rafah ee koonfurta Marinka Gaza
Next articleSida ninkan Soomaaliga ah loogu magacaabay qunsuliyaddii ugu horreysay ee dal reer yurub ah ka furto Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here