Home Wararka Maanta Sida ninkan Soomaaliga ah loogu magacaabay qunsuliyaddii ugu horreysay ee dal reer...

Sida ninkan Soomaaliga ah loogu magacaabay qunsuliyaddii ugu horreysay ee dal reer yurub ah ka furto Muqdisho

0

Safaaradda Boqortooyada Netherlands ay ku leedahay magaalada Nairobi ayaa u magacawday Maxamed Bashiir oo ku magac dheer ‘Midnimo’ inuu noqdo Qunsul sharafeedka u fadhiya Muqdisho.

Midnimo, waxa uu noqon doonaa Qunsul sharafeedkii ugu horreeyay ee lo soo magacaabo Soomaaliya, isaga oo matala danaha Netherlands ee Muqdisho.

Maxamed waa aasaasihii xafiiska suuq geynta Daa’uus iyo aasaasihii Holland House Muqdisho (Guriga Oranjaha), Midnimo ayaa la tilmaamay in uu khibrad ku soo kordhin doono kaalintan cusub.

Magacaabistan ayaa loo arkaa horumar la taaban karo oo lagu kobcinayo xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Netherlands iyo Soomaaliya, iyo xoojinta xiriirka qurbajoogta Netherlands iyo Soomaalida ee Muqdisho ku sugan oo sii kordhaya.

Maxamed Bashiir Cismaan oo ku magac dheer Maxamed Midnimo ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya. Sida ay Soomaalida qaarkood go’aansadeen, wuxuu ku qasbanaaday inuu sannadihii ugu horreeyay ee dagaalladii sokeeye ee dalka ka socday uu dibadda uga soo cararo dalka isagoo galay Netherlands, halkaas oo uu ku soo koray.

Qoyskiisa ayaa ka faa’ideystay fursad ay ku heli karaan nabadgelyo ka dib colaadaha, waxa ay u guureen Yurub, waxa ayna galeen nolol cusub oo u bilaabatay dhibaatadii ka dhalatay dagaalka ka dib. Midnimo, ayaa sidaas ku bilaabay korriimadiisa Yurub iyo carruurnimada ku noolaanshaha dhul shisheeye isaga oo qaxooti ah.

Waxa kale oo uu bilaabay shaqada macalinimo ee bulshada waana meesha uu howlihiisa ka soo bilaabay. Taasi waxay kamid ahayd sida uu ugu heellanaa kobaca Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Netherlands oo uu heer sare ka gaaray.

Waxa uu noqday xubin firfircoon oo ka tirsan jaaliyadda, ka dibna waxa uu noqday xubin guddiga iyo guddoomiyaha ururka jaaliyadda Soomaalida ee Nijmegen ee dalka Netherlands.

Xilliyada fasaxa ah oo uu waqtiyo kooban tegi jiray Djibouti, Ethiopia iyo Soomaaliya, waxa uu soo arkay dhawr fursadood oo ganacsi oo ka jira wadamadan. Mid ka mid ah ganacsiyadan ayaa ah shirkadaha qaabeynta iyo xayeesiiska.

Markii ay Soomaaliya ka soo kabatay qalalaasihii dagaallada, dadkuna ay billaabeen inay dib u laabtaan, Maxamed wuxuu u soo guuray Afrika si uu u bilaabo ganacsigiisa naqshadeynta. Intaa ka dib waxa uu daah furay Wakaaladda Naqshadeynta iyo hal abuurka Daa’uus sanadkii 2015-kii.

Daa’uus ayaa ah tan iyo markii uu ku guuleystey suuq-geyntii ugu wanaagsaneyd ee sanadkii 2017-kii iyo 2019-kii ee ganacsiga sanadahaas, abaal-marinnada Soomaalida ee caalamiga ah ee London, waxa uu sii dardar geliyay dhaqdhaqaaqiisa.

Maxamed Midnimo oo ka hadlaya fikirkiisa guuleystay ayaa yiri “Riyadaydu waxay ahayd inaan bilaabo wax aniga aad iiga farxiya, sidoo kale dadka aan jeclahay ka farxiya. Waxaa laga yaabaa in aan la imid fikradda ganacsiga, laakin qofna ma guulaysan karo caawimaad la’aan dadka xamaasadda leh ee ku dadaalaya in ay kaa caawiyaan in aad gaarto hadafkaaga waa yool kale oo muhiim ah. In kasta oo ay wakhti qaadatay in la helo maskax hammi leh, waan ku faraxsanahay in aan hadda haysto koox aaminsan falsafadda ganacsiga. “

Maxamed Bashiir ayaa dhiiri galin u ah dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed, waxaana uu galay liiska 100-ka dhalinyaro ee ugu saameynta badan Afrika.

In kasta oo qaybo ka mid ah dalka ay weli u nugul yihiin qalalaasaha soo noqnoqda, Midnimo waxaa ka go’an in uu wax walba oo ganacsigiisa ku saleysan sare u qaado taas oo dhiirigelin u ah qurba joogta kale ee ka fikiraya ganacsiyo horumar leh oo ay dalka ka hir geliyaan, iyaga oo si gaar ah u daneynaya dalka hooyo.

Ganacsigii looga bartay marka laga soo tago, Midnimo hadda waxaa laga filayaa in uu si weyn uga soo muuqdo doorkiisa cusub ee qunsuliyad sharafeedka, walow looga bartay horumarinta arrimaha bulshada gaar ahaan xilliyadii uu kasoo shaqeeyay arrimaha jaaliyadda.

Ad
Previous articleXagee ku dambeeyeen shabaabkii laba sano ka hor weeraray Dawlad Deegaanka ee la qabqabtay?
Next articleGamacsade Abuukar Axmes kabax oo Si Arxan daro ah loogu Dilay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here