Home Wararka Maanta Xaawo Cabdullahi oo ugu danbayn laga bixiyay lacagtii lagu laha lagana saaray...

Xaawo Cabdullahi oo ugu danbayn laga bixiyay lacagtii lagu laha lagana saaray xabigii Guriceel

0

Guddigii isku xilqaamay uruurinta lacagtii loo xirtay Xaawo Cabdullahi Nuur oo toddobaadkaan laga sii daayey xabsi ku yaalla Guriceel ayaa soo saaray warbixin dhameystiran.

Guddiga ayaa ka warbixiyey inta ay dhantahay lacagta soo xarootay, inta qof ee deynta ku yeelatay Xaawo, sida loo kala siiyey lacagta iyo inta ay dhantahay lacagta u hartay Xaawo.

Guddoomiyaha guddigaas oo lagu magacaabo Axmed Khaliif Guure oo warbixintaan soo jeediyey ayaa sheegay in lacag dhan $63 kun ay ku soo xarootay akoonkii lagu uruurinayey deynta.

Sidoo kale wuxuu sheegay in 69 qof ay lacago kala duwan ku sheegteen Xaawo, kuwaas oo la kala siiyey $57 kun oo ah deyntii lagu lahaa Xaawo.

Hadda wuxuu sheegay in akoonka Xaawo ay ku hartay lacag $8,000 (Sideed kun oo dollar ah) iyadoo aan lagu laheyn wax deyn ah.

Ugu dambeyntii guddiga ayaa u mahadceliyey cid kasta oo kaalin ka geysatay sidii deynta looga bixin lahaa gabadhaan oo 6 bilood ku xireed xabsiga degmada Guriceel.

Xaawo ayaa warbixinteeda waxaa soo bandhigay warbaahinta gudaha, kadibna kiiskeeda ayaa cirka isku shareeray, iyadoo ugu dambeyn xabsiga damaanad looga sii daayey.

Intaas kadib waxaa bilaabatay uruurinta lacagtii loo heystay gabadhaan, waxaana hadda lagu guuleystay in ugu dambeyntii laga bixiyo lacagtii, iyadoo ay u soo hartay lacag dheeraad ah.

Ad
Previous articleFaahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa Doon kale oo lagu afduubtay xeebaha Puntland
Next articleMareykanka oo u digay Israa’iil iyadoo saacado ay ka harsantahay heshiiska Xamaas iyo Israa’iil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here