Home Wararka Maanta Xaaska ninkii ku dhintay shilka uu wiilka madaxweynaha Soomaaliya ku lugta lahaa...

Xaaska ninkii ku dhintay shilka uu wiilka madaxweynaha Soomaaliya ku lugta lahaa oo hadashay

0

Öznur Göçer oo ah xaaska ninkii u dhashay dalka Turkiga ee ku geeriyooday shilka gaari ee wiilka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu ku lug yeeshay ayaa la hadashay warbaahinta Cumhuriyet ee dalka Turkiga.

“Waxaan ka cabanayaa qof kasta oo sababay geerida ninkayga iyo kuwa u ogolaaday in uu dalka ka baxo” ayay tiri Öznur Göçer.

Dawladda Turkiga ayay sheegtay in aysan sameyn tilaabooyinkii ay ka rajeyneysay inay qaadaan, si ninkeeda dhintay uu cadaalad u helo.

“Dowladdu waxay sheegaysaa in wixii loo baahnaa la sameyn doono, balse anigu kuma qanci karo waxa ay leeyihiin,” ayay raacisay hadalkeeda haweeneyda oo aad u murugsaneed.

Shilkaan oo 30-kii November ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayuu dhaawac culus ka soo gaaray seygii haweeneydaan, wuxuuna dhaawacaas u dhintay lix maalmood kadib markii shilku dhacay.

Wuxuu ku geeriyooday Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee magaalada Istanbul, sida uu duqa Istanbul shaaciyay maalin ka hor.

Muuqaallo lasii daayay oo ay duubeen kaamirooyinka CCTV ayuu duqa magalaadda Istanbul ku daabcay bogga uu ku leeyahay Twitter – muuqaalkaas ayaa muujinaya gaariga oo gadaal ugu dhacaya mootada, waddo mashquul badan.

“Waxaan haystaa gabar 15 jir ah oo dugsi sare dhigata. Waxaa kale oo ii jooga wiil sideed jir ah oo qaban xanuunka autism ka. Cunugeyga waa uu ka haray noloshii bulshada, maadaama uu xanuunsanaa. Seygeyga iyo anigu waxaan isku dayaynay inaan nolosha ku toosino. Hadda cidlo ayaan taaganahay,” ayay tiri Öznur Göçer.

Haweeneydaan ayaa booliska ku eedeysay inay gudbiyeen warbixin qalad ah, taas oo horseeday inuu waddanka ka baxo eedeysanaha shilkaan oo ah Maxamed Xasan Sheekh, wiilka madaxweynaha Soomaaliya.

Ad
Previous articleMaxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland oo burisay go’aankii baarlamaanka Puntland
Next article6 Haween oo Garaacay filina Ka Duubay nin ay Balamisay haweeney kale oo Xabsiga loo Taxaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here