Home Wararka Maanta Xaalada Muqdisho oo Saaka Degan iyo Ciidamo tirabadan oo Soo galay Muqdiaho

Xaalada Muqdisho oo Saaka Degan iyo Ciidamo tirabadan oo Soo galay Muqdiaho

0

Magaalada Muqdisho ayaa saaka ku waabariisatay Jawi nabdoon mana jirin wax iska hor imaadyo ah oo magaalada ka dhacay.

Wax Sidoo caadi u socda adeegyadii bulshada iyo isu socodka dadka iyo gadiidka, lakin dadku waa kuwa markasta dhagtu u taagan tahay oo dareen ku joog ah.

Ciidamada xooga dalka ee Bad baado qaran oo shalay soo galay magaalada ayaa ku sugan dhabarka Madaxtooyada gaar ahaan xaafado kamida Degmada howl wadaag iyo warta nabada.

Ciidamada kale ee daacada u ah Farmaajo ayaa iyaguna ku sugan oo xertay wadooyinka soo gala Madaxtooyada waxana ay isu diyaari nayaan qorshe dagaal.

Dhinaca kale ma jirto wax warqado ah oo xalay kasoo baxay xafiisyada laba masuul sida horay looga bartay.

Lakin Shacabka Muqdisho waxa ay ku baaqayaan nabad iyo lagu kala baxo Dastuurka dalka iyo xeer hosaadyada kale ee dalka u yaala.

Ad
Previous articleMadaxtooyada Soomaaliya oo ka Jawaabtay Afgambigi Lagu edeeyey
Next articleDeg Deg Dagaal Ka socda Magaalada Muqdisho