Home Wararka Maanta Madaxtooyada Soomaaliya oo ka Jawaabtay Afgambigi Lagu edeeyey

Madaxtooyada Soomaaliya oo ka Jawaabtay Afgambigi Lagu edeeyey

0

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka jawaabatay eedaymihii uu u jeediyay Ra”iisul wasaare Rooble oo ahaa in madaxweynaha xiligiisu dhamaaday uu isku dayay af-gambi ka dhan ah xukuumadda

Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa hadalka Rooble beeniyey isagoo taas bedelkeed ku eedeeyay Ra”iisul Wasaaraha inuu ku fashilmay doorashadii loo igmaday uuna qaatay go’aano u gaar ah .

“Eedeyntaas sal iyo raad ma leh, waa la yaqaanaa macnaha uu leeyahay ereyga afgembi Ra’iisul Wasaaraha waxaa loo diray doorasho muddo 14 bilood ah ayuu arrintaa waday, waana ku guuldareystay” ayuu yiri Cabdirashiid.

Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa intaas ku daray madaxtooyada qaranka ay leedahay hal ciidan oo hal talis leh balse aysan laheyn ciidamo ay kala leeyihiin Farmaajo iyo Rooble.

Waaqica dalka ka jira suuragalba maaha afgmbi iyo wax la mid ah, hadalada noocaas ah waa dacaayad iyo been abuur aan waxba ka jirin” ayuu yiri Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

Afhayeenka ayaa dhinaca xusay ineysan jirin ciidamo saaka la wareegay xafiiska RW Rooble, iskana hortaagay raisul wasaaraha inuu tago xafiiskiisa.

“Ciidanka guutada 77aad ee ilaalada madaxtooyada shaqo fiican bay qabteen maanta, waxaa is hortaageen wasiiro isku dayey iney gaadiid dagaal iyo hub culus la soo galaan Madaxtooyada, maadaama aan la ogoleyn in hub lala soo galo, horey ilaaladooda iyo hubkooda banaanka ay uga soo tegi jireen sidfii iney yeelaan baala faray balse wey ka madax adeygeen wax kale oo dhibaato ah oo meesha ka dhacay ma jiro.” ayuu intaas ku daray afhayeenka. oo RW ugu baaqay inuu u hogaansamo shaqo joojinta lagu sameeyey. isla markaana ilaaliyo sharciga.

Dhinaca kale, waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaaamay in Rooble uu sheegto inuu yahay taliyaha guud ee ciidamada qaranka “sida dastuurku qorayo awooda madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu yahay taliyaha guud ee ciidamada xoogga dalka” ayuu intaas ku daray afhayeenka.

Ad
Previous articleMaraykanka oo Hanjabaad culus u soo Diray Farmaajo
Next articleXaalada Muqdisho oo Saaka Degan iyo Ciidamo tirabadan oo Soo galay Muqdiaho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here