Home Wararka Maanta Xaafiisyada Madaxweynaha iyo Raysulwasaraha oo Qaraxyo laga Baaray Maantay

Xaafiisyada Madaxweynaha iyo Raysulwasaraha oo Qaraxyo laga Baaray Maantay

0

Dhammaan Xaafiisyada uu ka kooban yahay dhismaha deegaanka iyo Shaqada ee Raysalwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayay baaritaan kusameeyeen ciidanka ATMIS ee kasocda dawladda Uganda, iyadoo dhinaca Madaxweynaha-na la soo hubiyey, iyadoo loo adeegsaday Eeyaha uriya waxyaabaha qarxa iyo hubka.

Raysalwasaaraha ayaa amray in baaritaan looga sameeyo dhammaan xaafiisyada, ka dib digniinaha xagga amniga ah markii ay yimaadeen.

Shaqaalaha ayaa dhammaan subaxnimadii hore laga hakiyey galida dhismaha, iyadoo laga reebay dhammaan agabyada wax duuba.

Tan iyo jimcihii lasoo dhaafay, waxaa jiray dareen cabsi leh oo la xariira in kooxaha Argagixiso ay isku dayayaan weeraro argagixiso oo ay kageystaan xarumaha dawladda, sida ay cadeynayaan ilo wareedyo xagga amniga ah.

Ad
Previous articleBoliiska Soomaaliya oo ku dhawaaqay arin Halis ah oo Shacabku ay la yaabeen
Next articleWasiirka Waxbarashada iyo safaarada shiinaha oo kulan xasaasi ah yeeshay Maxuu ahaa kulanka ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here