Home Wararka Maanta Woqooyiga Kuuriya oo gantaallo kaga jawaabtay tallaabo uu Maraykanku qaaday

Woqooyiga Kuuriya oo gantaallo kaga jawaabtay tallaabo uu Maraykanku qaaday

0

Woqooyi Kuuriya ayaa dhanka galbeed ee gacanka Kuuriya ku gantay dhowr gantaal oo nooca joogga hoose ku duula ah, tan oo loo malaynayo in ay kaga jawaabeyso kadib markii Maraykanku koonfurta Kuuriya geeyay mid ka mid ah gujisyadiisa nukleerka ku awoodeysan.

Midowga taliyeyaasha Kuuriyada Koonfureed (JCS) ayaa Sabtidii sheegay in la ogaaday riditaanka gantaalada laga billaabo abbaaraha 4-tii subaxnimo xilliga maxalliga ah ee maalintii jimcaha.

Tani waxay noqonaysa markii labaad ee toddobaad gudihiis ay woqooyiga Kuuriya ganto gantaallo si ay uga falceliso markabka biyaha quusa ee Maraykanka oo la geeyay xeebta Koonfurta Kuuriya.

Arbacadii, Kuuriyada Waqooyi ayaa laba gantaal oo nooca riddada gaaban ah ka soo ridday meel u dhow caasimaddeeda Pyongyang. Waxay duuleen qiyaastii 550km (341 mayl) ka hor inta aysan ku degin biyaha bariga gacanka Kuuriya.

Ad
Previous articleWasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo laga deyriyey iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ballan qaaday in talaabo laga qaadi doono “xadgudubyada safiirada”
Next articleIran oo dalbatay in lasoo gacan geliyo kuwa Quraanka gubay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here