Home Wararka Maanta Iran oo dalbatay in lasoo gacan geliyo kuwa Quraanka gubay

Iran oo dalbatay in lasoo gacan geliyo kuwa Quraanka gubay

0

Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, ayaa Sabtidii sheegay in loo baahan yahay in dadka Qur’aanka kariimka ah xumeeya ay la kulmaan “ciqaabta ugu daran” isagoo ka dalbaday Sweden inay u soo gacan geliso dadkaas si loogu maxkamadeeyo dalalka Islaamka, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda Iran.

“Dhammaan culumada Islaamka waxay isku raaceen in kuwa qur’aanka xumeeya ay mudan yihiin ciqaabta ugu daran… Waajibka dowladdaas (Sweden) waa inay u gacangeliso dambiilaha nidaamka garsoorka dalalka Islaamka,” ayuu Khamenei ku yiri hadal ay baahisay warbaahinta dowladda Iran.

Ad
Previous articleWoqooyiga Kuuriya oo gantaallo kaga jawaabtay tallaabo uu Maraykanku qaaday
Next articleAabe Shukri Maxamuud Macalin oo maqas looga dhex tagay calooshiisa u Geeriyooday?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here