Home Wararka Maanta Wiilkeyga waxaan kala baqayay ammaan-darrada Muqdisho, balse halkan ayuu ku dhintay

Wiilkeyga waxaan kala baqayay ammaan-darrada Muqdisho, balse halkan ayuu ku dhintay

0

Waxaa qabuuraha Zinniaville oo ku yaal magaalada Rustenburg ee gobolka North West ee dalka Koonfur Afrika maanta lagu aasay labo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo halkaasi xalay lagu dilay.

Waxaa lagu kala magacaabi jiray Ibraahim Warsame iyo Cabdiraxiim Xasan Cali, waxaana dilay kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah, sida uu BBC-da u sheegay Ibraahim Salaad oo ku sugnaa dukaanka hortiisana lagu dilay labadooda.

“Labada wiil ee dhintay mid dukaanka ayaan shirko ku ahayn, waxaan joogay bannaanka dukaanka, waxaan arkay gaari soo istaagay bannaanka oo aan aqoon cid iska leh marka waan ka shakiyay, waxaa kasoo dagay labo nin oo gudaha u galay dukaanka waxaan ay bilaabeen inay togtaan wiilashii gudaha ku jiray anig waan cararay ayuu yiri” Ibraahim Salaad oo BBC-da u warramay.

Ibraahim iyo Cabdiraxmaan ayaa ahaa wiil iyo abtigiis.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolk North West ee Koonfur Afrika, Mustaf Cali Axmed Shirwac, oo BBC-da wareysi siiyay ayaa ka warbixiyay sida uu dhacay falka.

“Walaalow xalay fiidkii abbaaro salaaddii Maqrib markii ay ahayd ayaa muwaadiniin Soomaliyeed oo saddex ah oo dukaan jooga waxaa u soo dhacay burcad hubeeysan, ragga halkaasi joogay waxaa ay kala ahaayeen Ibraahim Salaad, Ibraahim Warsame, iyo xasaan Cali“ ayuu yir Mustaf.

“Saddexda wiil ee dukaanka joogay mid waxaa uu ku sugnaa bannaanka dukaanka markii burcaddu ay soo gashay oo uu ka shakiyay ayuu cararay, wiilkii joogay maqalka dukaanka ayay garaac ku bilaabeen markaas ayaa waxaa soo baxay Ibraahim Warsame oo qol gudaha ku tukanayay waxaa ay waydiiyeen meesha lacagta ay ku qariyeen, balse ugu danbeyn waa dileen,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay .

Waxaa uu sheegay in Ibraahim Warsame uu ahaa nin oday ah oo muddo badan dalkaasi joogay oo gancsi ku lahaa,balse Cabdiraxiin Xassan uu ahaa wiil dhalinyaro ah oo dhawaan uun dalkaasi tagay.

“Waxay ahaayeen muwadiniin aad u wanaagsan oo dhanka cibaadada ku fiican oo aan laga weyn jirin masjidka marka ay fasax yihiin,”

“Wiilkayga Soomaaliya ayaan kala soo cararay asaga oo aan halkaan rabin, waana lagu dilay”

Xasan Cali Xuseen oo ah b dhalay Cabdiraxiin oo BBC-da la hadlay xilli uu ku sugnaa aaska wiilkiisa iyo seeddigiisa ayaa sheegay in wiilkiisa oo 23 jir ahaa uu tegay dalka Koonfur Afrika sanadkii 2018-kii, si uu shaqo u helo kadib markii waxbarashada uu kusoo dhammeeyay Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ibrahim Warsame ay yihiin walalo ilama habreed ah oo isku meel kusoo koray, ayna dalkaasi isku mar tageen sanadkii 2010-kii oo dukaan ay furteen.

“Allah u naxariiste Ibraahim Warsame waxaa uu ahaa walaalkay iyo carruurtayda abtigood, waxaa uu ku dhashay magaaladda Xudur sidoo kale Xamar ayaan isla dagganayn hal mar ayaan wadankaan soo galnay 2010-kii nin inta badan aan isku meel joogno wax isla cunno oo aan isla xamaalanno ayuu ahaa,” ayuu yiri Xasan cali.

Koonfur Afrika ayaa ka mid ah meelaha inta badan Soomalida ay u haajirtay burburkii Dowladdii Dhexe. Xassan ayaa tilmaamay in wiilkiisa Cabdiraxiin inta aan la dilin ka hor uu jeclaa in uu ka tago balse asagu uu u diiday.

“Markii hore anigu rajo weyn ayaan ka qabay Koonfur Afrika, wiilkaan aan dhalay ee hadda la dilay ayaa baryahaan oo dhan i baryayay oo lahaa aabbe dalkaan aan ka dhammaanno sharci kuma haysanno wax faa’iido ahna kuma qabno”

Cabdiraxiin ayuu sheegay in uu ahaa nin dhalinyaro oo ku hammi weynaa in dalkiisa uu wax ka qabasado, balse asagu uu u diiday oo amaan-darro uga cabsaday.

“Waad ogtahay Soomaaliya hadda waxa ka jira, marka waxaan ku iri iska joog aabbe oo halkan ka shaqeeyso, balse asagu waxaa uu jecelaa dalkiisa oo mar kasta uu ku hammin jiray inuu aado.”

Cabdiraxiin Xasan sanadkii 2000 ayuu ku dhashay magaalada Baydhabo ee gobolk Bay, waxaa uu ahaa 23 jir aan wali guursan, halka abtigiisa Ibraahim uu ahaa aabbe leh sagaal carruur ah iyo labo xaas.

Ad
Previous articleMaxaabiis ay Alshabaab ka Haysteen in Ka Badan laba Sano Beesha Sacad oo Caawa Soo Gaaray Koonfurta Gobalka Mudug(Sawiro)
Next articleDowladda Kenya oo raali gelin siisay dowladda federaalka Soomaaliya kadib arin Xasaasi ah oo dhacday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here