Home Wararka Maanta Maxaabiis ay Alshabaab ka Haysteen in Ka Badan laba Sano Beesha Sacad...

Maxaabiis ay Alshabaab ka Haysteen in Ka Badan laba Sano Beesha Sacad oo Caawa Soo Gaaray Koonfurta Gobalka Mudug(Sawiro)

0

Kooxda  Al-shabaab ayaa faarujiyay Saldhigyo ay ku lahaayeen deegaano ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug.

Wararka ka imaanaya koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegaya inay Alshabaan ay baneeyeen saldhigyo ay ku lahaayeen aagga deegaanada Dumaaye iyo Dabaglo ee koonfurta Gobolka Mudug halkaas oo u ahaa fariisin xoogan ku lahaayeen in kabada 15 Sano.

Kooxda Alahabaab ayaa Xabsiyada kasii daayay qaar ka tirsan Maxaabiis badan oo ay u haysteen Madax furasho ka dib Cabsi kasoo fool saartay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ee xaq u dirirka ah.

Magaalada Bajeela ee Koonfurta Gobolka mudug ayaa Caawa lagu soo Bandhigay 6 ka mid ah Maxaabiistii Alshabaan madax furashada u haysteen kuwaas oo ka mid ahaa 11 Qof oo shacab ahaa oo ay Alshabaab 2021 ka Afduubteen Miyiga Degmada Wisil iyaga iyo Boqolaal Geel ah. 6-da Qof ee caawa lagu soo bandhigay deegaanka Bajeelada waxaa ku jira 2 wiil oo saqiiro ah oo Alshabaab afduub u haysatay in ku dhow 3-sano.

 

Ad
Previous articleWar Deg Deg Ah: Qarax ka Dhacay Magalada Muqdisho iyo Alshabaab oo Dhacdo Lama Filaan ah La Kulmay
Next articleWiilkeyga waxaan kala baqayay ammaan-darrada Muqdisho, balse halkan ayuu ku dhintay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here