Home Wararka Maanta Wiilka Museveni: Labo isbuuc nagu qaadan meyso inaan qabsanno Nairobi

Wiilka Museveni: Labo isbuuc nagu qaadan meyso inaan qabsanno Nairobi

0

Waa sax, kani waa ciwaanka runta ah ee wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda uu ku leeyahay barta Twitter-ka.

Wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda ee muddada dheer xilka hayay, Yoweri Museveni ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray sida uu uga xun yahay in madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta uusan mar saddexaad oo dastuurka ka dhan ah u tartamin doorashadii madaxweynenimo ee dhawaan dhacday.

Waxa uu ku kaftamay [inkastoo ay su’aal ka taagan tahay] in Uganda ay duulaan ku qaadeyso Kenya.

Bartan Twitark aha ayaa laxaqiijiyay iney tahay tan uu leeyahay wilka Madxweynaha Uganda, Muhoozi Kainerugaba.

Labo Xiddigle Janaraal Muhoozi Kainerugaba ayaa sidoo kale bartiisa twitterka ku soo qoray in aanu dan ka lahayn dastuurka iyo sharciga.

“Annaga waxaan aminsannahay Kacaanka oo keliya, dhawaanna waad baran doontaan,” ayuu yiri general Muhoozi, isagoo u muuqday inuu arrin sir ah fashilayo.

Dadka qaar ayaa sheegaya in Janaraal Kainerugaba, oo caan ku ah waxyaabaha hadalhaynta dhaliya ee uu mararka qaar kusoo qoro bartiisa Twitter-ka, ayaa loo diyaarinaya inuu bedelo aabihiis, Yoweri Museveni, oo ah madaxweynaha Uganda.

Shacabka Kenya ee arkay qoraalka Twitter-ka uu soo geliyay wiilka Museveni qaarkood ayaa sheegay in ay ku wareereen hadalka kasoo baxay Kainerugaba.  Waxaa kale oo la isweydiinayaa in uu uu caafimaadkiisa taam yahay.

Laakiin generalalka ayaa mar kale sheegay in ciidankiisu ay ku qabsan karaan caasimadda Kenya laba toddobaad gudahood

Si cad ugu riyaaqay loollanka Twitter-ka, wuxuuna isweydiiyay su’aal ah: “Kaddib markii ay ciidankeennu qabsadan Nairobi, halkee baan degi karaa aniga? Ma Westlands? Mise  Riverside?”.

Madaxweyne Museveni ayaa xukunka hayay tan iyo 1986-kii, halka  Kenya ay saddex jeer doorasho madaxweyne kadhacday tan iyo sanadlkaasi,

Dad badan waxa ay xasuustaan in Janaraal Kainerugaba uu falcelin layaab leh ka bixiyay dagaalka Ukraine markii uu bilowday kaddib, isagoo taageeray duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Jananka oo hogaamiya qeyb ka tirsan ciidamada Uganda ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu ku saxan yahay duullaanka, isla markaana “dadka intooda badan (ee aan Caddaanka ahayn) ay taageersan yihiin duullaanka Ruushka ee Ukraine”.

Waxa uu soo qaatay xasadii caalamka haraysay 1962-kii ee ka dhalatay sawaariiqdii uu Midowgii Soofiyeet geeyay Cuba.

“Markii uu Midowgii Soofiyeet gantaalladiisa nukliyeerka geeyay Cuba 1962, Reer Galbeedku waxa ay diyaar u ahaayeen inay qaadaan dagaal lagu hoobto. Hadda marka ay NATO samaysay arrintaas oo kale, ma waxaa Ruushka laga filayaa inuu si kale u xalliyo arrinto?” ayuu bartiisa Twitter ku qoray jenaraalka.

Ad
Previous articleCiidamada Huwanta oo Saakay Dib u qabsaday Degaanka Yasooman
Next articleWasiirkii Maaliyada Puntland oo ku baaqay in Siciid Deni laga badbaadiyo Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here