Home Wararka Maanta Wiilka Madaxweyne Xasan Shiikh oo lagu Qasbay inuu ku laabto Turkiga Si...

Wiilka Madaxweyne Xasan Shiikh oo lagu Qasbay inuu ku laabto Turkiga Si loo Maxkamadeeyo

0

Wiilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda ku laaban doona Turkey si uu u wajaho maxkamadeyn la xiriirta shil ka dhacay waddo ku taalla Istanbul, waxaa sidaas maanta sheegay wasiirka cadaaladda Turkey.

Yunus Emre Gocer, oo ahaa 38-sano jir mooto waday, ayaa waxaa ku dhacay gaari uu watay wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, xilli uu marayey waddo weyn oo ku taalla Istanbul. Yunus ayaa lix maalmood kadib, 6-dii December, ku dhintay isbitaal.

Mas’uuliyiinta Turkey ayaa amray xariga wiilka madaxweynaha, waxayna ka mamnuuceen inuu dalka ka baxo, balse warbixino ayaa sheegay in Maxamed uu amarka xiritaan kahor ka baxay Turkiga.

Turkey ayaa sidoo kale baaritaan ku billowday saraakiisha fuliyey baaritaanka horudhaca ahaa ee shilka, islamarkaana sida lagu warramay xor ka dhigay Maxamed.

“Waxaan wadahadal la yeelanay mas’uuliyiinta garsoorka Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda Turkey Yilmaz Tunc oo saxaafadda la hadlay.

“Waxaa suurta-gal noqon doontaa in eedaysanaha uu yimaado Turkiga oo uu ka qayb qaato hannaanka maxkamadaynta maalmaha soo socda.”

“Waxaan la hadlay wasiirka cadaaladda Soomaaliya, waxayna arrintan ku eegayaan niyad wanaagsan,” ayuu yiri Tunc, isagoo intaas ku daray inuu rajeynayo in maxkamadda ay dhawaan furmi doonto.

Talaadadii, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wakaaladda wararka AP u sheegay in wiilkiisa oo 40 jir ah aanu ka cararin Turkiga. Waxa uu sheegay inuu kula taliyey inuu ku laabto, oo uu maxkamadda hortago.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, oo ah dhaqtar, ayaa ku nagaaday goobta shilka, wuxuuna kadib Istanbul sii joogay maalmo, ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tacsi u diray qoyska Yunus.

“Waxaan rabaa inaan fursaddan uga faa’iidaysto inaan tacsi u diro qoyska, oo aanan garanayn si aan ula xiriiro,” ayuu ku yiri wareysiga oo uu bixiyey Talaadada. “Waxaan la qeybsanayaa murugada geerida. Waanu ka xunahay inaay waayeen [wiilkooda].”

Turkey ayaa xiriir dhow la laheyd Soomaaliya tan iyo 2011, markii madaxweyne Recep Tayyip Erdogan – oo markaas ahaa ra’iisul wasaare – uu dalka booqday, isaga oo taageero u muujinaya Soomaaliya oo xilligaas ay ka jirtay abaar darran.

Turkiga waxa ay bixisay gargaar bini’aadannimo, waxa ay dhistay kaabayaal dhaqaale, waxayna saldhig milatari ka furtay Soomaaliya, halkaasi oo ay ku tababartay saraakiil militari iyo boolis.

“Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodo si aan u xaqiijiyo in wiilkaygu uu ixtiraamo sharciga iyo kala dambeynta Turkiga, una hortago maxkamadaha Turkiga,” ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku yiri wareysiga oo lagula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, halkaasi oo uu ku soo bandhigay qorshaha ah in dowladiisa ay kala wareegto ammaanka ciidamada Midowga Afrika, ayna sii wad dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

“Turkiga waa dal aan walaalo nahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. “Waxaan ixtiraameynaa shuruucda iyo cadaaladda iyo nidaamka garsoorka. Ka madaxweyne ahaan, marnaba ma oggolaan doono in qofna uu ku xad-gudbo nidaamka garsoorka dalkan.”

 

Ad
Previous articleAlshabaab oo Guud ahaan Laga Saaray deegnaaka Shabeeloow kadib Markii…(Sawiro)
Next articleGaari ay Leedahay Shirkada Hormuud oo Lagu Qarxiyay Duleedka Muqdisho iyo Shaqaalaha Shirkado oo ku Dhintay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here