Home Wararka Maanta Wiilka madaxweyne Biden oo maanta hortagaya maxkamad

Wiilka madaxweyne Biden oo maanta hortagaya maxkamad

0

Hunter Biden oo ah wiilka madaxweyne Joe Biden ayaa la filayaa inuu maanta kasoo hor muuqdo garsoore federal, si uu u qirto laba dambi oo la xiriira canshuur khiyaameyn iyo inuu haystay hub xilli jirkiisu daroogeysnaa.

Dambi qirashadan ayaa qeyb ka ah heshiis uu la galay Waaxda Cadaaladda Mareykanka, kaasi oo ay u badan tahay inuu badbaadiyo in xabsi uu galo.

Garsooraha Maxkamdda Degmada Federaalka Delaware, Maryellen Noreika, oo uu magacaabay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, islamaraana guddoomin doonta dhageysiga dacwadda, ayey qasab tahay inay saxiixdo heshiiska.

Heshiiska oo lagu dhowaaqay bishii tagtay ayaa imanaya kadib sanado ay Waaxda Caddaaladda baaritaan ku haysay canshuuraha iyo ganacsiyada dibedda ee wiilka labaad ee madaxweynaha, kaasi oo qirtay in uu daroogo isticmaaleyey tan iyo 2015 markii uu dhintay walaalkiis Beau Biden.

Inkasta oo sharci ahaan ay tani soo afjari doonto kiiska Hunter Biden, islamarkaana meesha ka saari doonta maxkamadeyn socon laheyd toddobaadyo ama bilo, haddana xasaraddiisa siyaasadeed ayaa taagnaan doonta.

Xubnaha xisbiga Jamhuuriga ayaa ku adkeysanaya in Hunter uu helay heshiis dabacsan, xilli Waaxda Caddaaladda ay sii wado baaritaanada ka dhanka ah madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, oo ugu cad cad xubnaha Jamhuuriga ee u taagan doorashada madaxweyne ee 2024.

Trump ayaa horey u wajahayey kiis ka furan New York, iyo mid federaal oo uu ku wajahayo Florida. Hase yeeshee wuxuu 19-kii July sheegay inuu filayo in lagu soo oogo dacwado la xiriirta weerarkii January 6 lagu qaaday xarunta Congress-ka ee Capitol Hill.

Trump ayaa sheegay inuu warqad ka helay Smith, taasi oo sheegeysa inuu bartilmaameed u yahay baaritaanka lagu sameynayo dhacdadii January 6, 2021, markaasi oo taageerayaasha Trump ay ku xoomeen Congress-ka, si ay uga hortagaan sharciyeynta guushii madaxweyne Joe Biden ee doorashadii 2020.

Jamhuuriga ayaa ku andacoonaya in aan cadaaladda loo sinneyn, ayaga oo sheegaya in wiilka madaxweynaha xaaladda loo fududeeyey halka Trump si xooggan loo eryanayo.

Ad
Previous articleIsku milanka Ciidamada Dowlada Iyo Alshabaab oo Meeshii ugu Xumayd Gaaray Markaana Waa Gashaanle Ayaanle
Next articleCiidamadii ugu badnaa oo wata hub culus oo gaaray Dhuusamareeb iyo dareenka Madaxweyne QoorQoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here