Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamadii ugu badnaa oo wata hub culus oo gaaray Dhuusamareeb iyo...

Ciidamadii ugu badnaa oo wata hub culus oo gaaray Dhuusamareeb iyo dareenka Madaxweyne QoorQoor

0

Ciidamadii Ugu Badnaa oo aad U hubaysan ayaa Ku Qulqulaaya Magaalada Dhusamareeb ee Caasimada Galmudug .

Ciidamo Wata Ku dhawaad 20 Gaarii oo Tikniko ah Ayaa Maantah Gaaray Magaalada Dhuusamareeb kuwaas oo Ka Baxay Magaalada Muqdisho Maalmo kahor Ciidankaan Ayaa Xalay ku Hoyday Magaalada Guriceel ee Gobalka Galgaduud.

Sidoo kale Waxaa Maantay Garoonka Aadan Cadee Diyaarado Looga Raray Gadiidka Aan Xabadu karin iyo Hub Culus Ujeedka Ciidankaan Iyo Gaadiidkaan ayaa Lagu sheegay in Marka Madaxweyne Xasan shiikh uu Kasoo Laabto Dalka Talyaaniga Uu Toos u aadi Doono Dhuusamareeb ila Wareedyo ka Tirsan Amaanka Ayaana Mudug24 U Xaqiijiyay.

Ciidamadaan ayaana La Filayaa Inay Amaanka  kala wereegaan Ciidamadii Horay ugu Sugnaa  Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb Sidoo kale Ciidamada koofiya Casta ayaa Ayaguna Gaari Doona Magaalada Dhuusamareeb kahor Inta Uusan Madaxweyne Xasan Shiikh Gaarin.

Sidoo kale Taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa La Filayaa Inuu Maalmaha Fooda Nagu soo Haayo uu gaaro Magaalada Dhuusamareeb oo uu uga Sii Hormaro Madaxweyne Xasan Shiikh.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaana Saldhigan Doona Dhusmareeb inta Alshabaab Laga Saraayo Degmada Ceelbuur iyo Galhareeri oo Ah lama Degmo oo Haatan Alshabaab Galmudug Ka Joogaan.

Dhanka kale Madaxweyne Qoor Qoor ayaa Dareemaaya Culus ku wajahan Kursigiisa Oo  Ku dhawaad 5 bil Mudo Xikeedkiisa Uga Harsantahay Waloow Baarlamaanka Galmudug Sanad ugu Dareen hadana Beelaha Qaar ee Daga Galmudug iyo Villa Soomaaliya ayaa aad u diidan Mudo kordhintaas.

Ilowareedyo ku dhow Qoor Qoor ayaa Noo xaqiijiyay in Qoor Qoor uu dhibsanaayo Ciidamadaan magaalada lagusoo Daabulaayo iyo Hubkaan Culus oo Dhuusamareeb Soo Gaaray madaama ciidankiisa Banaanka Loosaaraayo Sidoo kale Qoor Qoor ayaa Aminsan Qabashada Ceelbuur Kadib ina Maamulkiisa Loosoo jeesanaayo.

Sidoo kale kooxda Ahlusuna Waljamaaca ayaa Dhaqdhaqaaq Xoogan ka Wada Galmudug kuwaas oo Doonaaya inay Ka Qaybqaataan Xoraynta Deegaanada Harsan ee  Galmudug Ahlusuna ayaana La sheegay inay lakulmeen Xasan Shiikh Galmudug ayaana Dhawaan Soo Saaraty Digniin ku wajahan Soo laabashada Ahlusuna waljamaaca.

Ad
Previous articleWiilka madaxweyne Biden oo maanta hortagaya maxkamad
Next articleAlshabaab oo lagu Laayay Degaan Ay shalay Weerareen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here