Home Wararka Caalamka Wiilal dhalinyaro ah oo loo xiray toogasho ka dhacday Magaalada Gävle ee...

Wiilal dhalinyaro ah oo loo xiray toogasho ka dhacday Magaalada Gävle ee Sweden

0

Saddex wiil oo dhalinyaro ah ayaa loo xiray sabab macquul ah oo looga shakisan yahay dilka nin 25 jir ah oo Sabtidii Gävle ka dhacay, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Wiilasha ayaa da’doodu kala tahay 15, 16 iyo 17. Midka ugu yar wiilasha ayaa horay loo ciqaabay, halka labada kalena ay yaqaaneen xiriir ay la leeyihiin dembiilaha, sida uu qoray Gefle Dagblad.

Siddeedii iyo bar habeenimo sabtidii lasoo dhaafay ayay aheyd markii booliska lagu wargaliyay dhibaatada ka dhacday xaafada Sätra. Ninkan oo 25 jir ah ayaa laga helay isagoo dhaawac ah wadada, laakiin wuxuu dhintay xilli dambe oo habeen ah.

Daqiiqado ka dib falkaasi ayaa laba ka mid ah wiilasha ay booliisku xireen. Kii saddexaad ayaa la xidhay maalintii xigtay.

Ad
Previous articleTaliyaha NISA Mahad Salaad Oo Gaaray Dalka Itoobiya lana Kulmay Taliyaha Sirdoonka Itoobiya
Next articleSicir bararka Danmark oo kor u kacay ilaa 10.1 boqolkiiba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here