Home Wararka Maanta Taliyaha NISA Mahad Salaad Oo Gaaray Dalka Itoobiya lana Kulmay Taliyaha Sirdoonka...

Taliyaha NISA Mahad Salaad Oo Gaaray Dalka Itoobiya lana Kulmay Taliyaha Sirdoonka Itoobiya

0

Taliyaha hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Mahad Salaad ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka aan bada leheyn ee Itoobiya.

Mahad Salaad waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay dhigiisa dalka Itoobiya, iyadoo soo dhaweyn kadibna wafdigan sare loo galbiyay halka loo qorsheeyay iney dagaan.

Taliye Mahad Salaad oo socdaalkiisa laba cisho qaadanaya ayaa taliyaha Sirdoonka Itoobiya kala hadli doona muhiimada ay leedahay ka hor taga Aragagixisada ku sii baahaysa Bariga Afrika iyo inay haboontahay in si wada jir ah leysaga kaashado.

Si kastaba, safarka taliye Mahad Salaad ayaa kusoo beegmay maalmo yar kadib markii Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya Sisay Tola uu soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo uu Agaasimaha NISA Soo gaarsiiyay casuumaadda safarka maanta.

Ad
Previous articleXaalad adag oo soo wajahday Facebook & shaqaale ka badan 10 kun oo la Shaqada Laga Cayriyay
Next articleWiilal dhalinyaro ah oo loo xiray toogasho ka dhacday Magaalada Gävle ee Sweden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here