Home Wararka Maanta Wiil soomaaliyeed oo Walaalkios ku Dilay Dalka Maraykanka

Wiil soomaaliyeed oo Walaalkios ku Dilay Dalka Maraykanka

0

Booliska magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in wiil Soomaali ah uu walaalkiis ku dilay waqooyiga magaaladaas, Subaxii Isniinta.  

Booliska ayaa sheegay in abaare 11:36am looga wacay guriga ku yaalla waddada Lepage Court, halkaasi oo la sheegay in qof lagu tooreeyey.

Booliiska ayaa sheegay in Sakariya Hirad oo 20 jir ah uu mindiyeeyey walaalkiis Mohamed Hirad oo 22 jir ahaa, kaasi oo loo qaaday isbitalka, balse lagu dhowaaqay inuu dhintay abaare 12:12 pm.

Sakariya ayaa xabsiga la dhigay, waxaana lagu soo oogay dacwad ah inuu dilay walaalkiis. Kiiskan iyo sababta dilka ayaa waxaa weli ku socda baaritaan.  

Allah ha u naxaiista dilka Mohamed ayaa argagax geliyey bulshada Soomaaliyeed ee magaalada Columbus, oo toddobaadyadii tegay ay aad u gilgishay dilka Sheekh caan ka ahaa magaalada oo lagu magacaabay Imaam Maxamed Xasan.

Rabshadaha iyo dilalka dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa aad ugu badan magaalooyinka Columbus iyo Minneapolis ee Mareykanka, Toronto oo Canada ah, iyo London oo UK ah.

Waalidiin badan oo Soomaaliyeed ayaa cauurtooda kala cararay magaalooyin badan oo ka mid ah Yurub iyo Waqooyiga America, si ay uga badbaadiyaan inay ka leexdaan dariiqa toosan ayaga oo geeya dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Kenya, Turkey iyo Masar.  

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay
Ad
Previous articleQaramada midoobay oo Maalin Gooni ah u Astaysay Ladagaalanka Islaam nacaybka
Next articleGolaha Wasiirada Jubaland oo Ku dhawaaqay Halka Lagu Qabanaayo 16ka Kursi ee Garbahareey Taalay