Home Wararka Caalamka Qaramada midoobay oo Maalin Gooni ah u Astaysay Ladagaalanka Islaam nacaybka

Qaramada midoobay oo Maalin Gooni ah u Astaysay Ladagaalanka Islaam nacaybka

0

Gollaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa maalin gaar ah u asteesay la dagaalanka islaam naceybka, si looga hortago islaam naceybka kusii kordhaya qaar kamid ah waddamada reer Galbeedka.

Qaramada Midoobay ayaana shalay ansixisay qaraar saldhigaya in 15-ka March ay noqoto Maalinta Caalamiga ee la-dagaalanka Islaam Naceybka, waxaana qaraaarkan,  isku raacay 193-ka xubnood ee QM, waxaana soo jeediyay 55 dal oo badankood Muslim ah.

Qaraarka ayaa walaac xooggan ka muujiyey sare u kaca xaaladaha takoorka dulqaad la’aanta iyo rabshadaha, ciddii doonta ha gaysatee, ee ka dhanka ah dadka aaminsan diimo dhowr ah, oo ay ku jiraan kiisaska ka dhashay Islaam naceybka.

Waxaana qaraarka weydiisanaya dhammaan dalalka, hay’adaha QM, ururadada caalamiga ah iyo kuwa goboleed, bulshada rayidka, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo urur diimeedyada inay abaabulaan munaasabado ujeedkoodu yahay sare u qaadidda wacyiga lagu xakameynayo Islaam Naceybka.

Islaam naceybka ayaa muddooyinkii dambe kusii badanayay waddamada Reer Galbeedka, waxaana dad badan oo muslimiin ah lagula kacay falal isugu jira cunsuriyad iyo dhibaatooyin kale .

Ad
Previous articleQoor Qoor oo kahor yimid Qoraalkii kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka
Next articleWiil soomaaliyeed oo Walaalkios ku Dilay Dalka Maraykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here