Home Wararka Maanta Weeraro Qaraxyo ah oo kusocda Shirkada Hormuud iyo Beco yaa ka Danbeeya?

Weeraro Qaraxyo ah oo kusocda Shirkada Hormuud iyo Beco yaa ka Danbeeya?

0

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda weerarro halis ah oo lagu bilaabay shirkadaha ganacsi ee ugu waaweyn dalka, waxaana isisoo tareysa xogta weeraradaan.

Qaraxyo ayaa xalay lagu xiray tabeelayaasha korontada hudbiya ee Shirkadda BECO, waxayna qaraxyadaasi sababeen inay qeybo badan oo ka mid ah Muqdisho ay demaan oo korontadu ay ka go’do.

Horay waxaa loo ogaa in habeenadii lasoo dhaafay xarumihii shirkadda HORMUUD loo qarxiyey, hadda waxaa liiska shirkadaha dhibanayaasha ah ku soo biirtay BECO.

13 xarumood ayaa HORMUUD looga burburiyey qaraxyada, shaqale ayaa looga dilay, kuwo kalena waa looga dhaawacay, waxaana uga burburtay hanti badan oo ay ugu dambeysay Booyad Shidaal ah oo maalin ka hor laga gubay.

Xubno saraakiil ah oo ka tirsan hey’adaha ammaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in la aaminsan yahay in kooxda Daacish ay beegsaneyso shirkadahaas.

Daacish, waxay dooneysaa lacago baad ah, si ay ugu kobciyaan awoodooda, waxaana muuqata inay ku raadinayaan si xoog ah, iyagoo beegsanaya shirkadaha oo hadda ay ugu horeeyaan HORMUUD iyo BECO.

Labadaan shirkadood waa kuwa ugu waaweyn dalka, waxay bixiyaan adeegyada isgaarsiinta iyo korontada, waxayna ugu horeeyaan xaqleyaasha bixiya canshuurta ay masruufato dowladda Soomaaliya, halka bulshada Soomaaliyeed ay u hayaan adeegyo muhiim ah oo xitaa dowladooda aysan ka heleen.

Ilaa hadda, hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ma aysan qaadin wax tallaabo ah, lama qabto xubnaha geysanaya weerarradaan is xigxiga, sidoo kale masuuliyiin ka tirsan shirkadaha la beegsanayo waxay noo sheegeen in dowladdu aysan waxaba ka weydiin beegsiga lagu hayo iyo cidda ay tuhmayaan.

Labo si oo xasaasi ah ayey arrintaani muhiim u tahay inay ka jawaabaan hey’adaha amniga Muqdisho ‘mar waa in masuuliyadi ka saaran tahay ilaalinta nafta iyo hantida muwaadiniintaan canshuur bixiyaasha ah, marna waa inay ka hor tagaan khatarta kooxaha argagixisada ah ee weerarrada geysanaya’ kuwaas oo ku sii kobcaya hadii la siiyo dhaqaalahaan ay xoogga ku raadinayaan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleXadan Shiikh iyo muuse Biixi oo Dhawaan ku kulmaaya…
Next articleNin oday ah iyo wiil uu dhalay oo xalay Gaalkacyo ku dilay labo Sargaal iyo baadigoob loogu jiro