Home Wararka Maanta Nin oday ah iyo wiil uu dhalay oo xalay Gaalkacyo ku dilay...

Nin oday ah iyo wiil uu dhalay oo xalay Gaalkacyo ku dilay labo Sargaal iyo baadigoob loogu jiro

0

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland xalay waxaa ka dhacay dil loo gaysltay labo sargaal oo katirsanaa ciidanka booliiska Puntland nin oday ah iyo wiil uu dhalay oo booliiska la sheegay in ay doonayeen in ay soo xiraan.

Aabaha iyo wiilka uu dhalay ee dilka geestay oo lagu kala magacaabo Xuseen Muuse Faarax iyo Maxamed Xuseen Muuse ayaana dilka kaddib iyaga hubeysan goobta uu falka ka dhacay si deg deg ah uga baxsaday.

Ciidanka booliska Puntland ayaa raadinaya labada eedeysane magalada Galkacayo gaar ahaan xaafadda Halabokhad ku dilay laba sarkaal oo booliiska qaybta gobolka Mudug ka tirsana, kuwaas oo lagu kala magacaabo X/le Xuseen Cabdul Cumar iyo X/le Sakariye Maxamed Diiriye iyagoo fulinayay waran loo soo jarey edeysanaha.

“Qofkasta oo garanaya halka ay joogaan waxa lagu boorinayaa in uu ka waco Ciidanka booliiska Puntland Tell: +252905500000 ama lambarka gaaban ee booliska 999 ama saldhiga booliiska ee kuugu dhow” ayaa lagu yiri qoraal ay baahiyeen booliiska Puntland.

Ad
Previous articleWeeraro Qaraxyo ah oo kusocda Shirkada Hormuud iyo Beco yaa ka Danbeeya?
Next articleSiiriyaan Dahab farabadan ka Xaday Muqdisho oo aygoo Safar ah lagu Qabtay….(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here