Home Wararka Maanta Xadan Shiikh iyo muuse Biixi oo Dhawaan ku kulmaaya…

Xadan Shiikh iyo muuse Biixi oo Dhawaan ku kulmaaya…

0

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa lagu wadaa in maanta kulan toos ah ay ku yeeshaan dalka Jabuuti, halkaas oo ay tegi doonaan saacadaha soo socda.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo xaqiijiyay in Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi ay ka kala duuli doonaan magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, ayaga oo aqbalay casumaad uu u fudiyay madaxweynaha waddanka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa socdaalkan ku wehlin doono qaar kamid ah la-taliyeyaashiisa gaarka ah, wasiiro iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah ergeyga haatan dowladda federaalka u qaabilsan dhanka wada-hadallada Somaliland.

Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isna waxaa safarkiisa ku wehlinaya wasiirada kala ah arrimaha gudaha, maaliyadda iyo biyaha ee maamulkaasi.

Qaaban-qaabada kulankan iyo xiriirintiisaba waxaa leh madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo labada nin la’ah saaxib, lana leh xiriir wanaagsan.

Ma cadda waxyaabaha rasmiga ee uu ku saabsan yahay kulankooda, laakiin warar hoose ayaa sheegaya in labada madaxweyne ay ka wada-hadli doonaan sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadalladooda oo muddo dheer hakad ku jira.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay tallaabo ugu qaaday dhanka wada-hadallada, kadib dib u doorashadiisii, wuxuuna u magacaabay ergey gaar ah oo ah Cabdikariin Guuleed.

Si kastaba, madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa horay sidaan oo kale sanadkii hore ugu kulmay dalka Jabuuti, kadibna waxa ay ka wada qayb galeen meherka Xildhibaan Saadaq Joon iyo gabadha madaxweynaha dalkaasi, Haybado Ismaaciil Cumar Geelle.

Ad
Previous articleNISA oo gacanta ku dhigtay saddex ka mid ah shaqsiyaad dhawaan tegay deegaanada Al-Shabaab joogto, kana soo muuqday muuqaalo ay horey u baahisay kooxda.
Next articleWeeraro Qaraxyo ah oo kusocda Shirkada Hormuud iyo Beco yaa ka Danbeeya?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here