Home Wararka Maanta Weerar Lagu Qaaday Alshabaab ku Sugnaa Galmudug

Weerar Lagu Qaaday Alshabaab ku Sugnaa Galmudug

0

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed  oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ayaa waxay howlgal ka fuliyeen Gobolka Galgaduud gaar ahaan meel 2-km kaga beegan dhanka Galbeed Degaanka Cali Yabaal.

War kasoo baxay dowlada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay in ka badan 15 xubnood isugu jira saraakiil & dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, halka 22 kale lagu dhaawacay.

Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay Goobta duqeynta laga fuliyey ay Al-Shabaab u eheyd Saldhig ay ku aruuriyaan xubnaha weerarada fuliya, kuwaasoo loo yaqaano Jabhadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in duqeynta lagu burburiyay saanad ciidan oo ay lahaayeen Al-Shabaab, isla markaana howlgallada ay noqon doonaan kuwo sii socda inta laga ciribtirayo al shabaab guud ahaan dalka.

Ad
Previous articleMusharraxii ku hanka waynaa kursiga madaxtooyada Puntland ee ka mid noqonaya wasiirada madaxweynihii uu dhaliili jiray
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Difaaca Bada Darteed u Gaaray Dalka Turkiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here