Home Wararka Maanta Weerar lagu Burburiyey Diyaarado oo ka dhacay Garoon ku yaal Ruushka

Weerar lagu Burburiyey Diyaarado oo ka dhacay Garoon ku yaal Ruushka

0

Weerar ay Diyaarad nooca daroonka ka geysteen gudaha dalka Ruushka ayaa waxay waxyeelo soo gaartay ugu yaraan 4 diyaaradaha waa weyn ee noocoodu ahaa Ilyushin Il-76 Transport Plane oo ku sugnaa Saldhiga ciidanka Cirka ee magaalada Pskov oo ku taalla W/Galbeed ee dalkaasi.

Wakaallada Wararka Ruushka ee TASS waxay sheegtay inay ugu yaraan  10 Diyaaradaha Drones-ka ku lug lahaayeen Duqeynta lagu qaaday Saldhiga Ciidanka Cirka ee magaalada Pskov oo 700 KM dhanka Waqooyi ka xigta xuduudka Ukraine,  una dhow Xuduudka ay Ruushka la wadaagto dalka Estonia.

Magaalladda Pskov waxay 30 KM oo keliya u jirtaa xuduudka dalka Estonia,  halka ay Pskov 60 KM dhanka K/Galbeed kaga toosan tahay dalka Latvia.

Estonia iyo Latvia waxay labaduba xubno ka yihiin Isbahaysiga NATO.

Dhanka kale, Duullimaadyada Diyaaradihii la hinqan lahaa iyo kuwii ku soo degi lahaa Garoonkaasi ayaa la joojiyey maanta, si loo qiimeeyo Khasaaraha soo gaaray Dhabaha ay Diyaaradaha soo caga-dhigtaan (The runway).

Ad
Previous articleAlshabaab oo 30 Qof oo Shacab u badnaa ku Dishay Galmudug
Next articleGudoomiye Madaale oo Booqday Dabaqii Kusoo Dumay Dadka Shacabka ahaa(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here