Home Wararka Maanta Gudoomiye Madaale oo Booqday Dabaqii Kusoo Dumay Dadka Shacabka ahaa(Sawiro)

Gudoomiye Madaale oo Booqday Dabaqii Kusoo Dumay Dadka Shacabka ahaa(Sawiro)

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday dhacdadii xalay ka dhacday Degmada Howl Wadaag ee la xariirta dhisma ka kooban dhowr Dabaq oo soo dumay kaas oo ay ku geeriyoodeen inta la xaqiijiyay Hooyo iyo caruurteeda.

Guddoomiye Madaale ayaa warbixin la xariirta dhacdadaan ka wareestay kooxda gurmadka deg dega ah, maamulka degmada Howl Wadaag, iyo saraakiisha Amniga, waxa uuna faray si deg deg ah baaritaan rasmi ah loogu sameeyo sababta ka dambeysa in dhismahaan uu soo dumo.

Ad
Previous articleWeerar lagu Burburiyey Diyaarado oo ka dhacay Garoon ku yaal Ruushka
Next articlePuntland oo Maanta xukun Dil toogasho ah ku fulisay Rag dil geystay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here