Home Wararka Maanta Weerar Khasaaro geestay oo lagu qaaday safaaradda dowladda Azerbaijan magaalada Tehran (Sawirro)

Weerar Khasaaro geestay oo lagu qaaday safaaradda dowladda Azerbaijan magaalada Tehran (Sawirro)

0

Nin hubeesan ayaa maanta weerar dhaliyay khasarao isugu jirto dhimasho iyo dhaawac ku qaaday dhismaha safaaradda dowladda Azerbaijan ku leedahay magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran.

Weerarkan lagu qaaday dhismaha safaaradda Azerbaijan ayaa lagu dilay madaxii amniga ee safaaradda, waxaa sidoo kale weerarka lagu dhaawacay labo qof oo kale, waxaana si degdeg ah loo daadgureeyay dadkii kale ee safaaradda ku sugnaa.

Ciidamada ammaanka dalka Iran ayaa gacanta ku dhigay ninka weerarka geestay oo ku hubeesnaa qoray AK-47, waxaana booliiska baaritaano ku wadaan ninka weerarka geestay oo gacantooda ku jira.

Dowladda Azerbaijan ayaa si kulul u cambaareesay weerarkan kuna tilmaantay mid argagaxiso, waxa ayna dowladda Azerbaijan sheegtay in si degdeg ah safaaradeeda Tehran uga daadgureeneyso shaqaalaheeda.

Madaxweynaha dalka Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa sheegay in uu cambaareenayo weerarka argagaxiso ee lagu qaaday safaaradooda, waxa uuna ugu baaqay xukuumadda Tehran in baaritaan degdeg ah ku sameyso weerarkan.

Dalka Iran waxaa kunool malayaiin qof oo kasoo jeeda qowmiyadda Azerbaijan oo ku hadla luuqadda Turkish-ka, waxaana xiriirka u dhaxeeya Iran iyo Azerbaijan ahaa mid aan waayahan dambe wanaagsaneyn.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Horjoogayaal Sar sare oo ka Tirsan Alshabaab oo lagu Qabtay Galmudug
Next articleHooyo Somaliyed oo Wiilkeeda oo 5 sano jir ah ku dishay Magaalada Columbus