Home Wararka Caalamka Weerar Dhimasho iyo Dhaawac gaystay oo lagu Qaaday Caasimada Israaiil(Sawiro)

Weerar Dhimasho iyo Dhaawac gaystay oo lagu Qaaday Caasimada Israaiil(Sawiro)

0

Laba qof ayaa ku dhintay dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii nin aan heybtiisa weli la shaacin uu rasaas ku furay baar ku yaal bartamaha magaalada Tel Aviv ee Israel.

Lix qof oo ay soo gaareen dhaawacyo halis ah ayaa loo qaaday isbitaalka, sida ay sheegtay waaxda adeegga ambalaasta ee Magen David Adom, taasoo sidoo kale sheegtay inay soo gaareen warbixinno la xiriira in weerarradu ay ka dhaceen dhowr meelo oo faras-magaalaha ah.

“Ilaa hadda, 10 qof oo dhaawac ah ayaa soo gaaray qolka dhaawacyada ee isbitaalka Ichilov. Laakiin nasiib darro, inkasta oo dhakhaatiirtu ay sameeyeen dadaal, laba ka mid ah dhaawacyada ayaa dhintay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Isbitaalka.

Muuqaallo toos ah oo laga soo duubay weerarka kadib ayaa muujinayay ciidamo boolis ah oo goobta gaaray oo qoryahooda ku fiiqaya dabaqyada sare ee dhismeyaasha, waxaana boolisku sheegay in shakigu yahay in hal qof uu geystay weerarkan, haatanna uu baxsad yahay.

“Argagixiso ayaa rasaasta furtay, wax yar kadibna lug ayay ku carareen, dhowr qof ayaa ku dhaawacmay,” ayuu yiri afhayeenka booliiska Eli Levy oo la hadlayay TV-ga Channel 13.

Saacado ka dib weerarkan, boqollaal ka tirsan ciidamada booliska Israa’iil iyo ciidamada gaarka ah ayaa baarayay xaafadaha bartamaha Tel Aviv, si ay u soo qabtaan ninka looga shakisan yahay toogashadan.

Sababta ka dambeysay weeraray ma cadda, hase yeeshee xiisad ayaa ka taagan Israa’iil kadib weeraro dhowr ah oo ay dhawaan geysteen Falastiiniyiinta oo ay ku dhinteen 11 qof.

War goor dhow soo baxayna waxaa uu sheegayaa in Ciidamada amaanka Israel ay Dileen nin Falastiini ah oo ay ku eedeeyeen inuu fuliyey weerarkan.

Waa weerarkii afraad ee lagu hoobtay oo ay Falastiiniyiintu ka geystaan Israa’iil muddo saddex toddobaad gudahood ah, waxaana uu ku soo beegmay xilli ay xiisad xooggani ka taagan tahay curashada bisha barakeysan ee Ramadaan. Gelinka dambe ee maanta, kumannaan Falastiiniyiin ah oo ka yimid Daanta Galbeed ayaa lagu waday inay galaan magaalada Quddus si ay ugu tukadaan Salaadda Jimcaha ee ugu horreysa ee Ramadaan Masjidka Al Aqsa.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa lagu wadaa inuu la kulmo saraakiisha ugu sarreysa ammaanka subaxnimadii Jimcaha. Ilaa hadda ma cadda in Israa’iil ay sii wadi doonto ama ay beddeli doonto qorshaheeda ku aaddan in dadka Falastiiniyiinta ah ee cibaadaysanaya ay galaan magaalada Qudus. Mudaaharaadyo iyo iska horimaadyo ka dhacay magaalada barakeysan bishii Ramadaan ee sannadkii hore ayaa aakhirkii dhaliyay 11 maalmood oo dagaal Qaza ah.

Ad
Previous articleBurcad hubaysan oo Dhacgaysanaysay oo Lasoo Qabtay(Sawiro)
Next articleShiikh Shariif oo Ka Hadlay Khilaafka Xoogan ee ka Dhaxeeya P.M Rooble iyo Laftagareen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here