Home Wararka Maanta Burcad hubaysan oo Dhacgaysanaysay oo Lasoo Qabtay(Sawiro)

Burcad hubaysan oo Dhacgaysanaysay oo Lasoo Qabtay(Sawiro)

0

Rag burcad ah oo hubeysan ayaa xalay fiidnimadii lagu qabtay xaafada Raadeerka oo ka tirsan degmada Dayniile  ee magaalada Muqdisho.

Qabashada burcadana ayaa timid howlgal ay sameeyeen ciidamada amaanka degmadaas oo lagu soo wargeliyey.

Saraakiisha amaanka degmada Dayniile ayaa sheegay in burcadan ay ka kooban yihiin labo nin oo midkood xirnaa dareyska ciidamada dowlada.

“Ka dib xog ay na siiyeen dadka degaanka ayaan sameynay howlgal aan ku soo qabanay burcadan oo shacabka ka dhacayey telefoonada gacanta ee mobilka” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Booliska.

Ciidamada amaanka ayaa la wareegay qori ay wateen burcadan iyo telefoono ay ka dhaceen dad shacab ah, ka hor inta aan gacanta lagu soo dhigin.

Ad
Previous articleWararka ugu danbeeyay Dagaalka Ukraine iyo Wixii Dhacay Xalay 8 Abril
Next articleWeerar Dhimasho iyo Dhaawac gaystay oo lagu Qaaday Caasimada Israaiil(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here