Waxyaabihii ugu Muhiimsanaa Shirka Golaha Wasiirada Galmudug ee Guriceel ka dhacay

Madaxweynaha maamulka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir gudoomiyay shirka Golaha Wasiirada DGM oo xalay ka dhacay degmada Guriceel.

Shirka ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen amniga gudaha, maqaamka magaalada Guriceel iyo warbixinta Guddiga Gurmadka Gurceel.

1- Amniga Guud

Golaha Wasiirada DGM ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradda Amniga oo ka warbixisay xaaladda guud ee amniga iyo mida degmada Guriceel oo dhawaan si buuxda gacanta dowladda ugu soo laabatay isla markaasna ay dowladda diyaar u tahay suggida amniga iyo ilaaliinta nabadgelyada guud.