
Madaxa siyaasadda ee xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca ee dhawaan ka dagaallamay Galmudug ayay BBC-da weydiisay tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan.
Cabdisalaan Aadan Xuseen, ayaa sheegay in qorshahooda uu ahaan doono sidii uu horay u ahaan jiray.
“Ahlu Sunna Waljameeca taladeedu way iska caddahay, horay ayayna u bayaaniyeen culimada iyo hoggaankuba,” ayuu yiri.
“Ahlu Sunna taladeeda waa in fikirkii ay ku shaqeynayeen iyo qaabkii ay u shaqeynayeen, oo ahayd inay cadowga ummadda Soomaaliyeed ka dul qaadaan, dadkooda iyo shacabkoodana ay u hiilliyaan mar kasta oo ay uga baahdaan,” ayuu yiri madaxa siyaasadda ee Ahlu Sunna.