Home Wararka Somaliya Somaliland Wax ka ogow taariikhda guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ee maanta dacwadda lagu...

Wax ka ogow taariikhda guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ee maanta dacwadda lagu soo oogay

0

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ayaa dacwad ka dhan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed u gudbiyey Maxkamadda Dastuuriga ah.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa tan iyo markii uu qarxay dagaalka Laascaanood ku sugnaa magaalada Laascaanood, iyada oo arrintani ay imaanayso xilli ay soo baxayeen warar kala duwan oo ku gedaaman xaaladda siyaasigaas.

Dacwadda ayaa ka kooban afar eedeymood oo kala ah:

1.In uu ka yor yimid jiritaanka Somaliland iyo minidamada kadib markii uu taageeray go’aannadii ay soo sareen guddiga 33-ka ka kooban ee ku shiray Laascaanood iyagoo sheegay in Sool Sanaag iyo Cayn aysan kamid ahayn Somaliland isla maraakana ay hoos tagayaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo lagu eedeeyay in uu jebiyay qodobka 1aad iyo 2aad ee dastuurka Somaliland.

2.Qodobka labaad ayaa lagu sheegay in uu ka been sheegay dhaartii daacadnimo ee ugu dhaartay Somaliland.

3.Qodobka Saddexaad ayaa lagu sheegay in uu jebiyay dastuurka Somaliland kadib markii lagu eedeeyay xil gudasho la,aan iyo in golaha uu ka maqnaa 20 fadhi idan la,aan.

4.Qodobka afaraad ayaa lagu sheegay in uu cambaareeyay ciidamada Soomaliland isagoo lagu eedeeyay in uu yiri waxa ay geysteen xasuuq ka dhan ah bini adannimada.

Xeer ilaalinta ayaa maxkamadda dastuuriga ah ka dalbatay in uu meesha ka saaro xubinnidamada golaha wakiillada ee Cabdirisaaq Khaliif Axmed maaddaama ay sheegeen in uu dastuur jebin ku kacay.

Waa kuma Cabdirisaaq Khaliif?

Sanadkii 2021 ayaa Cabdirisaaq Khaliif loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland. Codbixinta ayuu ku heley 42 cod.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood, sannadkii 1967-dii, waxabarshada hoose waxa uu ku qaatay isla magaaladaas.

Halka uu waxbarashadiisii sare uu ku qaatay koonfurta Soomaaliya.Waxaa se uu sheegay in aanu ku shaqayn wixii bartay isaga o u baydhay dhanka ganacsiga gaarka ah, maamulka iyo siyaasadda.

Labaatankii sano ee u dhaxeeyey 1991 illaa 2010 hawlahaas ayuu ku mashquulsanaa.

Xukuumadii ugu horreysay ee madaxweyne Siilaanyo ayuu ka noqday sannadkii 2010-kii wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska.

Halka mar kale 2013 bishii 7aad uu noqday Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Soomaaliya.

Sannadkii 2015-kiina waxa uu ka mid tiro wasiirro ah oo iska casilay xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo markii danbena ku biiray xisbigii mucaaradka ahaa ee Waddani.

Sannadkii 2016 – kiina waxa uu noqday xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Waddani.

Halka 2018 bishii 3aad uu noqday Guddoomiye Ku Xigeenka Koobaad ee Xisbiga Waddani.

Waxaana uu sannadkan xildhibaannadii cusbaa eee golaha wakiillada uga soo baxay gobolka Sool, isaga oo haatanna u tartamaya Guddoonka Aqalkaas.

Ad
Previous articleDowladda Uganda oo shaacisay tallaabada xigta ee ay qaadayaan kadib weerarkii Buulo Mareer
Next articleDuuliyihii diyaarad hawada ku jirtay oo miyir daboolmay oo Meydkiisa Lahelay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here