Home Wararka Maanta Dowladda Uganda oo shaacisay tallaabada xigta ee ay qaadayaan kadib weerarkii Buulo...

Dowladda Uganda oo shaacisay tallaabada xigta ee ay qaadayaan kadib weerarkii Buulo Mareer

0

Dowladda Uganda ayaa shaacisay tallaabada xigta ee ay qaadayaan kadib weerarkii Buulo Mareer ee kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhigooda, kaasi oo looga dilay askar badan.

Uganda ayaa sheegtay in weerarkaasi ay hore uga sii soconayaan ciidamadeedu, islamarkaana aysan dhacdadaasi wiiqi doonin hadafkeeda ay u joogaan gudaha Soomaaliya ee howl-galka ATMIS (ex-AMISOM).

Ku-simaha Safiirka Uganda ee Soomaaliya, Sarreeye Gaas Nathan Mugisha oo booqday ciidamadii dhawaan ku dhaawacmay weerarkii Buulo Mareer ayaa ka dhawaajiyay in ciidamada Uganda ay ka go’an tahay in ay fuliyaan waajibaadka howl-galka ATMIS, iyada oo todobaadkii hore la weeraray saldhigooda.

“Waxaan dejinay xaaladda, waxaana socda dib-u-eegidda iyadoo horayna loo sii socon doono sidii loo qorsheeyay. Dhacdadu nagama wiiqi doonto hadafkeena,” ayuu yiri Sarreeye Gaas Mugisha.

“Waxaan sii wadi doonnaa geeddi-socodka xasilinta Soomaaliya, annagoo taageerayna Dowladda Federaalka, Ciidanka Xoogga Dalka, iyo shacabka si ay u helaan xasillooni, horumar dhaqaale, iyo isbeddel.”

Arrintan ayaa imaneysa, xilli dowladda Uganda ay wajaheyso cadaadis gudaha, islamarkaana dadka reer Uganda qaarkood ay dalbadeen in ciidamada laga soo saaro Soomaaliya, maadaama ay sheegeen “in si bahal-nimo ah ugu dhimanayaan dal kale,” halka qaar kale ay dowladda usoo jeediyeen in loo aargudo askartooda.

“Waa dareen isku jira qaar waxay nagu tirtirsiinaya in aan aargudano, qaar kalena waxay doonayaan in ciidanka laga soo saaro sababto ah waxay leeyihiin ciidankan waddankeena uma dhimanayaan ee dad kale ayay madaxooda ku dhimanayaan,” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Uganda oo wareysi uu siiyey VOA uga hadlay dareenka uga yimid dadka reer Uganda.

Uganda ayaa dooneysa in joogitaankeeda Soomaaliya ee xilligaan uusan waxba iska beddelin kadib weerarkii Buulo Mareer ee looga dilay askar badan.

Weerarka Buulo Mareer ayaa waxaa la sheegay in Uganda looga dilay illaa 54 askari, sida uu shaaciyay madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Museveni.

Tiradan ayaa aad uga yar midda horay ee shaaciyeen Al-Shabaab oo gaareysa illaa 137 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda. Sheegashadan ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijiyay.

Ad
Previous articleGuddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo ka hadlay doorashada Garoowe iyo laba degmo oo kale
Next articleWax ka ogow taariikhda guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ee maanta dacwadda lagu soo oogay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here