Home Wararka Maanta Wasiirkii Xilka wareejiyey ee Maaliyadda Somalia oo War cusub soo saaray

Wasiirkii Xilka wareejiyey ee Maaliyadda Somalia oo War cusub soo saaray

0

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somalia Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo maanta xilka wareejiyay ayaa soo saaray war cusub oo la xiriira xilka qaadistii dhowaan lagu sameeyay

Xilka ka qaadista Wasiirka ayaa timid ka dib markii Ra’iisul Wasaare Xamza uu sameeyay magacaabis & isku shaandheyn kooban oo saameysay xubno ka tirsan golaha Wasiirada

Dr. Cilmi ayaa qoraal dheer oo uu soo saaray ku amaanay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasare Xamza Cabdi Barre, isaga oo uga mahadceliyay fursadda ay siiyeen.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA DR.CILMI MAXAMED NUUR

Sharaf iyo karaamo ka weyn ma jirto in aan noqday Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo aan ugu adeegay Bulshada Soomaaliyeed si daacad iyo howl garnimo ay ku jirto.

Intii aan xafiiska joogay wax badan ayaa noo qabsoomay oo aanu gaarnay haddii ay tahay horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda. Masha allah wali waxa aanu si wanaagsan u haynaa wadadii Deyn Cafiska taasi oo guulo badan oo wax ku ool ah laga gaaray, ayna dhawdahay dhamaystirkeeda.

Waxa aan u mahadcelinayaa dhammaan intii aan ka wada shaqeynay horumarinta Maaliyadda oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha Dalka

Mudane Hassan Sheikh Mohamud iyo Ra’iisul Wasaare mudane Hamza Abdi Barre oo fursadaan wayn ii siiyay in aan shacabka Soomaaliyeed ugu adeego laga soo bilaabo 09 August 2022 ilaa iyo 12 July 2023.

Waxa aan sidoo kale u mahadcelinaynaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaeyaasha, iyo shaqaalaha oo dhan. Sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed oo gacan wayn ka gaystay dadaalada isbeddelka dib-u-habaynta Maaliyadda ee socda. Isku-tashi iyo wadashaqayn ayaan horumar ku gaari karnaa.

Waxa aan u rajeynaynaa Wasiirka cusub ee Maaliyadda guul iyo in Allaah SWT u fududeeyo masuuliyada culus.

Dadaalka loogu jiro horumarka dalka waxa aan ka sii wadi doonaa dhankayga intii awooodeyda ah.

Ad
Previous articleErdogan oo si caro leh u jawaabay iyo reer galbeedka oo diiday qaraarkii kitaabka Qur’aanka ee la gubay
Next articleSudan oo ku Hanjabtay Inay ka Baxayso Ururka IGAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here