Home Wararka Maanta Sudan oo ku Hanjabtay Inay ka Baxayso Ururka IGAD

Sudan oo ku Hanjabtay Inay ka Baxayso Ururka IGAD

0

Dowladda Sudan ayaa si adag uga hor-timid qorshe la doonayo in ciidamo shisheeye lagu geedo dalkeeda, si ay u kala dhax galaan ciidamada milatariga iyo kuwa gurmadka deg dega ee dagaalamaya.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan ayaa kahor timid bayaankii ka soo baxay shirkii ay guddiga Urur-gobaleedka IGAD ugu qaabilsan xalinta colaada dalkaasi labo maalin kahor ku yeesheen magaalada Adis Ababa.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan ayaa lagu cadeeyay in aysan marnaba aqbali doonin in ciidamo shisheeye oo nabbad ilaalin ah cagta soo dhigaan carrada Sudan.

Dowladda Sudan ayaa sidoo kale sheegtay in ay ka fiirsanayaan in ay isaga baxaan kamid ahaanshaha xubannimada urur goboleedka IGAD , haddii la ixtiraami waayo rabitaanka dowladda iyo shacabkeeda.

Ad
Previous articleWasiirkii Xilka wareejiyey ee Maaliyadda Somalia oo War cusub soo saaray
Next articleWAR DEG DEG AH:Weriyihii BBC-da ee dhowaan la shaaciyay in uu ku kacay fal anshax xumo oo la shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here