Home Wararka Maanta Wasiirkii ugu Horeeyey ee Kasocda Wadamada Ciidamadu ka Joogaan Soomaaliya Soo gaaray...

Wasiirkii ugu Horeeyey ee Kasocda Wadamada Ciidamadu ka Joogaan Soomaaliya Soo gaaray Muqdisho(Sawiro)

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Jabuuti, Xasan Maxamed Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kasoo gaaray garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa wafdigan ku soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn Wasiirka Gaashaandhigga dalka Jabuuti ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubto ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, kuwaas oo qayb ka ahaa soo dhaweynta wafdigaan.

Intaas kadib labada mas’uul ayaa kulan hordhac ah ku yeeshay qaybta nasiinada ee garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay isaga xog wareysteen arrimo dhowr ah.

Ujeedka booqashada Wasiir Xasan Maxamed Cumar  ayaa la xiriirta mid ay labada dowladood ku xoojinayaan iskaashiga milatari ee labada dal ee walaalaha ah.

Sidoo kale wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeelan doono madaxda ugu sarreysay ee dalka, sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo uu kala hadli doono dagaalka Al-Shabaab.

Jabuuti ayaa kamid ah dalalka sida weyn uga qayb-qaata dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna ku jirta howlgalka ATMIS, ayadoo ciidamadeeda ay joogaan Hiiraan.

Si kastaba, xiriirka ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti labada dal oo walaalo ah, misana daris ah ayaa cirka isku shareeray kadib dib u doorahadii Xasan Sheekh Maxamuud.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Shaacisay Qabiilka uu kasoo Jeedo ninkii isku Qarxiyay Xarunta Gobalka Banaadir
Next articleCiidmada Galmudug oo Degaano Horleh Alshabaab kala Wareegay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here