Home Wararka Maanta Wasiirkii Maaliyadda ee dowladii Farmaajo oo ka degay Magaalada Hargeysa iyo Falcelin...

Wasiirkii Maaliyadda ee dowladii Farmaajo oo ka degay Magaalada Hargeysa iyo Falcelin Ka Dhalatay

0

Wasiirkii hore ee Maaliyada dowlada federaalka Somalia Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa gaaray galabta magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo Kasoo jeeda Somaliland isla markaana ahaa raggii sida weyn ula soo shaqeeyey Madaxweynihii xilka ka degay ee Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa haatan u muuqda inuu ka tanaasulay qadiyadii Somaliweyn, isla markaana taageeray gooni isku taaga Somaliland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu cafis u fidiyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaasoo horseeday inuu dib ugu laabto magaalada Hargeysa.

Siyaasiyiin badan oo ka soo jeeda Somaliland, xilal kala duwana ka soo qabtay dowlada federaalka Somalia ayaa xiliyo kala duwan dib ugu laabtay Somalilad, ka dib markii waayeen xilalkii ay hayeen, cafisna ka dalbadeen madaxda Hargeysa fadhida.

Dowlada Somalia waxaa haatan xilal kala duwan kaa haya siyaasiyiin badan oo ka soo jeeda Somaliland, kuwaasoo ku jira goleyaasha xukuumada iyo baarlamanka, waxaana la fili karaa in sanadaha soo socda ay dib ugu laabtaan Somaliland marka ay xilalka waayaan.

Maamulka Somaliland ayaa horey u sheegay inuu cafis u fidinayo siyaasiyiinta xilalka ka soo qabta Soomaaliya, hadii ay ka tanaasulaan fekerkooda ku aadan midnimada Soomaaliya ama Somaliweyn.

Ad
Previous articleNin booliis ah oo dilay haweeney uu saaxiib la ahaa
Next articleDowladda Soomaaliya oo lacag Malaayiin Doolar ah ku wareejisay dowladda Turkiga iyo Turkiga oo layaab ay ku Noqotay (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here