Home Wararka Maanta Wasiirkii Arimaha Bulshada ee deegaanka Soomalida oo sheegay in uu isku casilay...

Wasiirkii Arimaha Bulshada ee deegaanka Soomalida oo sheegay in uu isku casilay caddaalad darro iyo maamul xumo darteed

0

Ibraahim Maxamed Amaan wasiirkii Arimaha Bulshada ee deegaanka Soomalida ayaa sheegay in uu isku casilay cadaalad darro iyo maamul xumo hareysay xukuumaddii uu ka tirsanaa ee uu hogaamiyo madaxweyne Mustafe Cagjar

Ibraahim Maxamed oo xilkan soo hayay tan bishii Oktoobar ee sanadkii 2021 ayaa intaas ku daray in maamul xumuda deegaanka ka jirta ay abuurtay jahwareer siyaasadeed oo sahli kara damaca dhul balaadhsi ee deegaanada Soomaalida la dariska ah

wasiirka is casilay oo ku magac dheer Ibraahim Uula ayaa horay ooga tirsanaan jiray urukii Onlf ka hor inta aan loo magacaabin xilka wasiirka Arimaha Bulshada ee Deegaanka, waxuuna ka mid ahaa labo wasiir oo uu mustafe cagjar kaga soo daray xukuumadiisa ONLF garab ka mid ah oo u dhawaa Xisbiga talada haya.

ma aha markii ugu horeesay oo wasiirro ay is ka casilaan maamulka deegaanka waxaa billowgii sandkan xilka ka tagay wasiirkii xaduudaha Cali Samire oo xukuumada ku eedeeyay in ay ka gaabisay difaaca dhulka Soomaalida.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loo gaystay Gudoomiye Yusuf Xuseen oo Muqdisho lagu Dilay
Next articleMagaalo kale oo ka Tirsan Soomaaliland oo uu ka bilowday kacdoon looga soo horjeedo Soomaaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here