Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loo gaystay Gudoomiye Yusuf Xuseen oo Muqdisho lagu...

Wararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loo gaystay Gudoomiye Yusuf Xuseen oo Muqdisho lagu Dilay

0

Kooxo biskoolado ku hubeesan oon heebtooda la garan ayaa degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ku dilay guddoomiyihii dhallinyarada degmadaasi Yuusuf Xuseen.

Sida wararka ku helnay guddoomiyaha ayaa lagu dilay xaafada Kaawo Godey ,xilli uu kasoo baxay masaajid uu kusoo dukaday salaada Jimcaha, waxaana marxuumka toogtay sadden nin oo la sheegay in qeybaha sare ee jirka ka toogteen.

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmada Dharkeenley ayaa soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada ku guul dareesteen soo qabashada kooxdii dilka fulisay.

Dilkan ka dhacay degmada Dharkeenley ayaa imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ammaanka caasimadda Muqdisho soo hagaagayay, waxaana magaalada ku yaraa dilalka qorsheesan iyo qaraxyada.

Ad
Previous articleErling Haaland iyo Sam Kerr oo ku kala guuleystay abaal marinta gool dhalinta horyaalka Ingiriiska
Next articleWasiirkii Arimaha Bulshada ee deegaanka Soomalida oo sheegay in uu isku casilay caddaalad darro iyo maamul xumo darteed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here