Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Elmi M. Nur iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Raho Janaqow ayaa maanta shir muhiim ah la qaatay #Golaha_Dhaqaalaha_Qaranka, kulanka waxaa looga wadahadalnay arrimo badan oo ku saabsan isbadalka dhaqaalaha iyo dadaalka Wasaaradda Maaliyadda.
“Inta aan ku guda-jirno geeddi-socodka dib-u-habaynta Maaliyadda, waxaa muhiim ah in aan ka faa’iidaysano aqoonta iyo qibradda dadkeenna aqoonta iyo fahanka u leh Horumarinta dhaqaalaha dalka”, sidaasi waxaa golaha u sheegay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya.

Ad