Home Wararka Maanta Wasiirka Maaliyada iyo Safiirka UK oo ka wada hadlay arima Muhiim ah

Wasiirka Maaliyada iyo Safiirka UK oo ka wada hadlay arima Muhiim ah

0

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire K. Foster. Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaaradda UK waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Mudane Saleemaan Sheekh Cumar.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka dhaqaalaha labada dal iyo taageerada dedaalada dib u habeynta maaliyadda ee ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda ayaa yiri, “Saaka waxa aan shir muhiim ah la yeeshay Safiirka UK ee Soomaaliya K. Foster iyo madaxda kale ee Safaaradda, waxa aan ka wada hadalnay dadaalada Wasaaradda Maaliyadda ee dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta ku shaqeynta hannaanka dowlad-wanaaga iyo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.”

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Dowladda UK ay door muuqda oo muhiim ah ku leedahay barnaamijyada horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada dowladda Soomaaliya.

Ad
Previous articleGalmudug oo war ka soo saartay dagaalladii khasaaraha Badan Dhaliyay ee ka dhacay Gobalka Galgaduud
Next articleBaarlamaanka Galmudug oo Wisil u ansixiyay Degmo ahaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here