Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Sheegay in Gardaduubo loosoo Xiro Laftagareen

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Sheegay in Gardaduubo loosoo Xiro Laftagareen

0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal dheer soo saaray ayaa si adag ugu jawaabay madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shalay ka hadlay xiisadda Itoobiya, isaga oo la saftay xildhibaanadii taageeray Itoobiya.

“25-Xildhibaan ee taageertay rabitaanka shacabkooda waxay noola mid yihiin 13-SYL, waxaan la dareenahay rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed,” ayuu shalay yiri Lafta-gareen oo la fahamsan yahay inuu gadaal ka taagan yahay qorshaha dad Soomaaliyeed ku taageerayaan Itoobiyaanka.

Jaamac oo jawaab ka bixiyay hadalkan ayaa tilmaamay in SYL ay tahay astaan gobonimo oo mudan in la sharfo, maadaama ay tahay taariikh ay leedahay Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray shacabka Koonfur Galbeer ee u banaanbaxay Itoobiya, wuxuuna ugu baaqay in loo hoosaaseeyo cadow uu sheegay inay horay u diideen awoowayaasheen.

“Si gaar ah, waxaan ula hadlayaa dadkeyga ka soo jeeda deegaannada Baay, Bakool iyo Shabeellada Hoose, marna ma dhici karto in naloo hoosaasiyo cadaw taariikhi ah oo ay awoowyaasheen diideen in uu dhulkeena boobo dadkeenana gumeeyo” ayuu yiri.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran;’-

GOBANNIMADA QARANKA SOOMAALIYEED

Waajibka kowaad ee maanta iyo goor walba oo la joogo naga saaran jiilasha naga dambeeya waa in aan ku sinno Soomaaliya oo mid ah, xor ah, kheyraadkeeduna bad qabo.

Wax walba oo kale oo aan ka gaabinno waa naloo cafin karaa, balse waajibka na saaran waa in aan ammaanadi ay awowyaasheen nagu soo simeen aan u wareejinno si dhammeystiran oo nadiif ah.

Ma jiro qof xaq u leh in ku takrifalo gobannimada, midnimada iyo danaha qaranka soomaaliyeed.

Waxaa si gaar ah sharaf noogu ah aniga iyo inta ila midka ah in aan doonta siyaasadda iyo u adeegista qaranka aan ka soo raacnay fagaarayaasha halganka, gobannimo u dirirka, iyo iska caabinta cadawga soojireenka ah ee ummadda soomaaliyeed.

Ad
Previous articleXamse Cabdi Barre oo War Culus Kasoo Saaray Xiisada Itoobiya
Next articleRaysulwasare Xamsa oo Maantay ku Wajahan Baydhabo