kormeer indha-indheyn ah ku tegay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho Wasiiru-dowlaha amniga iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, xilli uu amniga caasimada soo hagaagayo bilihii ugu dambeeyay.
Wasiiraddan ayaa waxay kasoo dukaameysteen dukaamada kala duwan ee ganacsi ee ku yaalla suuqa Bakaaraha, iyaga oo intaas kadib usii gudbay dhanka isgoyska Balaksi, halkaasi oo ay kula kulmeen dhalinyaro waqti ku qaadanayay hoteel ku yaall halkaasi.
Bulshada caasimada ayaa dowladda iyo ciidamada qeybahooda kala duwan ku bogaadiyay isbeddelka amniga ee magaalada Muqdisho, kaasi oo horseeday in xubno wasiiro ah ay kormeer ku tagaan suuqa Bakaaro, oo markii hore ay adkeyd inay tagaan halkaasi.
Wasiiradan oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidanka qaranka ayaa usii jiheystay warshada weyn ee warshadaha ayaga oo socdaal ku tegay deegaanka Daaru-salaam iyo beerta deegaankaas oo boqolaal dad ah u dalxiis tageen.
Amniga caasimada ayaa muddooyinkii dambe soo hagaagayay, ayada oo ciidan cusub lagu biiriyay kuwii hore ugu sugna, illaa saddex kun oo askari oo lagu soo tababaray waddanka Uganda ayaa la geeyay degmooyin ku yaalla daafaha magaalada, si ay banaanka uga ilaaliyaan caasimadda.
Dadweynuhu waxay sheegayaan in ciidanka cusub ay u muuqdaan kuwo feejigan oo fahamsan waajibkooda. Daafaha magaalada Muqdisho ayaa loo xil-saaray in aanay argagixisada kasoo tallaabin.
Sidoo kale ciidanka dharcadka ah ee hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa aad loo kordhiyay sida aan xogta ku helnay, kuwaasi oo toos u dhex galay shacabka, iyada oo masuul looga dhigay amniga qeybta loo bixiyay aagga koowaad ee caasimadda.
Booliska ayaa sidoo kale muujinaya fir-fircooni intii hore ka badan. Waxaa muuqata inay laamaha amniga wada-shaqeyn fiican yeesheen, taas oo amaanka caasimadda wax badan ka bedeshay.