Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomalaiya, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo soo saaray qoraal kooban ayaa shaaca ka qaaday inuu ka tanaasulay tartanka doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Maxamed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa ku sheegay inuu go’aansaday inuu isaga haro doorashada, isaga oo tilmaamay in uusan haysan wixii u suurto galin lahaa inuu guuleysto.
Sidoo kale wuxuu carabka ku goday in ololihiisa uu la xiriiray inuu toos ula hadlo shacabka, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in qaabka dadban ay liddi ku tahay hamigiisa siyaasadeed.
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in lacagaha faraha badan ee ku xeeran doorashada ay ka hor imaanayaan danaha shacabka Soomaaliyeed.
“Aqbalaadda lacagaha ololaha ee ka hor imaanaya danta mustaqbalka fog ee shacabka Soomaaliyeed waxay khiyaamaysaa wax walba oo aan u hayo, balse waxaa ka sii muhiimsan, hooyooyinka, aabbayaasha, iyo dhallinyarada sida dhiirigelinta leh ee iigu garab istaagay ololihii aan ku jiray,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Maxamed Cabdirisaaq.
Go’aanka wasiirka ayaa kusoo beegmaya, iyada oo maanta ay ku egtahay diiwaan-gelinta doorashada madaxweynaha cusub oo ay isku diiwaan-geliyeen illaa 32 musharrax.
Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.
Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg
Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo